Musharax oohin uga falceliyey cay loo geystay aabihiis oo dhintey
ABUJA, Nigeria - Musharaxa madaxweyne ku xigeenka xisbiga shaqaalaha ee Nigeria, Yusuf Datti Baba-Ahmed, ayaa ku dhawaaday inuu ilmeeyo xilli uu ka qeybgalayay shir si toos ah looga baahinayey TV-yada, sidda uu muujiyey muuqaal faafay.
Markii daadihiyaha uu weydiiyay wararka been abuurka ah ee isaga ka dhanka ah, Mr Baba-Ahmed, waxa uu ku tilmaamay mid aan xadaarad lahayn, aan dimuquraadi ahayn iyo mid siyaasadeed.
Baba-Ahmed oo uu garab taagnaa musharaxa madaxweynaha, Peter Obi, ayaa carabka waxa uu ku adkeeyay in shaqsiyadiisa iyo sidoo kale xubnaha qoyskiisa la beegsado.
"Aniga iyo qoyskeyga waxaan ku bixineynay qiimo aad u badan, waad ogtahay, isku dayga aan ku badbaadinayo Nigeria," ayuu siyaasiga hadalkiisa intaas sii raaciyey raaciyay.
Waxa uu hadalkiisa intaas kusii daray: "Dad kala duwan ayay iga daba direen, waan ku farxi lahaa haddii ay kaliya shaqsiyadeyda weerari lahaayeen".
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu ku nuux-nuux-saday in dadka ay bilaabeen inay aflagaadeeyaan Aabihiis oo geeriyooday, tan iyo markii uu isku soo sharaxay xilka sare.
Codkiisa oo durba degdeg isku-dabalay ayaa markaas si weyn u gariiraya isagoo ku celcelinaya inay tahay "qiimo aad u weyn". Ka dib wuxuu ka baxay masraxa.
Doorashada madaxtinimada Nigeria ayaa dhacaysa 25-ka Febraayo. Peter Obi ayaa la tartamaya laba nin oo magac weyn ku leh kuwaas oo kala ah Bola Ahmed Tinubu oo ka socda xisbiga talada haya ee APC iyo Atiku Abubakar oo ka socda xisbiga PDP.
GAROWE ONLINE