Musiibo ku habsatay qoys reer Canada ah oo kusoo wajahnaa Kenya

Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya - Qoys reer Canada ah ayaa lix kamid ah xubnaha reerkaasi ku waayay musiibadii Ethiopian Airlines ee dhacday Axadii, halkaasoo burburka diyaaradeed ay ku dhinteen 157 ruux, oo lix kamid ah ay Soomaali ahaayeen.

Diyaarada oo soo dhacday aroornimadii Axada, 10-kii Maaj, lix daqiiqo kadib markii ay kasoo duushay Addis Ababa ayaa kusoo jeeday caasimada Kenya ee Nairobi.

Kosha Vaidya oo uu wehliyay seygeeda Prerit Dixit iyo labo gabdhood oo ay dhaleen Ashak iyo Anushka iyo waalidkooda Pannagesh Vaidya [71-sano jir] iyo hooyadood Hansini Vaidya [63-sano jir] ayaa ku geeriyooday dhacdadaasi.

Lixdaan xubnood oo booqanayay goobta dhalashada ee Kosha ayaa kamid ah 18 muwaadin oo reer Canada ah oo ku dhintay shilkaasi.

"Reerku wuxuu damaashaad ugu sii jeeday goobta ay ku dhalatay walaashey sanado kahor," ayuu Manat Vaidya, oo la dhashay Kosha.

Wararka ayaa tibaaxaya Kosha ay la shaqeynaysay hay’adda Canadian Hearing Society, halkaasoo ay ka ahayd lataliye sarre.

"Iyadu aad ayaan ugu xiisi doonaa sababtoo ah waxay ahayd qof caqil badan, xirfadyahanad ah iyo shaqsi ahaan dabacsan," ayuu yiri Julia Dumanian, oo ah madaxa ururka Canadian Hearing Society.

Qoyskaan ayaa ku noolaa Brampton, magaalo ka tirsan gobolka caanka ah ee Ontario, isla markaana ku dhow caasimadda Toronto.

War-saxaafadeed kasoo baxay duqa Brampton, Patrick Brown, waxa uu ku sheegay hoos loo dhigayo calanka Aqalka magaalada.

Itoobiya ayaa bilawday baaris ku saabsan waxa dhaliyay in soo dhacdo diyaaradda iyada oo la helay sanduuqa madow kaasoo waxyeelo qaba.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka Carabta oo ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Itoobiya

Imaaraadka ayaa sheegay in xaaladda cusub ay khatar ku tahay midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Itoobiya.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 12:34PM

Aliko Dangote oo dhisaya dhuun shidaal oo Itoobiya iyo Jabuuti isku xiri doonta

Jabuuti ayaa iyaduna ka faa’iidi doonta mashruuca, iyadoo la filayo inay kordhaan shaqooyinka, dhaqdhaqaaqa dekedda iyo dakhliga dowladda.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 05:29AM