Mustafa Cagjar oo ka hor-yimid shir la filayo in uu ka dhaco Addis Ababa
JIGJIGA, Ethiopia - Mustafa Maxamed Cumar [Cagjar], madaxwaynaha dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa fahfaahin ka bixiyey bog cusub oo u furmay xiriirka ganacsi ee Itoobiya iyo maamulka Somaliland.
Labada dhinac ayaa dhowaan dhagax dhigay wado cusub oo isku xeri doonta Wajaale iyo dekada Berbera, taasoo ay maal-gelineyso dowlada Imaaraadka Carabta.
Cagjar ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in jidkaasi cusub oo la filayo in dhameystirkiisa uu qaato in ka badan labo sano uu soo afjaro isu socodka labada magaalo.
Madaxwaynaha ayaa balanqaaday in ay wax ka qaban doonaan caqadaha ganacsatada Somaliland ka haysta in ay degaanka u iibgeeyaan wax soo saarka Hargeysa, taasoo caqabad ay ka taagneyd mudooyinkii dambe.
"Arrintii xuduudaha ee lagu dhibi jiray dadka waanu xalinay…hadii ay kuwa kale jiraan waanu xalin doonaa," ayuu Cagjar ku sheegay wareysi uu siiyay laanta Af Soomaaliga ee VOA-da.
Somaliland oo sheegata in ay ka madax banaan tahay Soomaaliya inteeda kale balse aanan helin ictiraaf caalami ah ayaa ah mid kamid ah suuqyadda ugu wayn ee wax soo saarka Itoobiya, inkasta oo aanu waxba ku bedalan.
"Cid kasta oo diyaar u ahay in ay nala ganacsato waan soo dhaweynaynaa," ayuu Mustafa Cagjar daba dhigay "Suuqa ugu wayn ee wax soo saarka Somaliland waa degaanka Soomaalida," ayuu hadalkiisa raaciyay.
Dhowaan waxaa lagu wadaa in magaaladda Addis Ababa ee caasimada Itoobiya uu ka qabsoomo shir looga arrinsanayo xaalada degaanka, ayna yeelanayaan xubno sheegtay in ay kasoo jeedaan halkaasi.
- "Nama khuseeyo shirkaas" -
Hase yeeshee, Madaxwayne Cagjar oo wax laga waydiiyay kulankaasi ayaa ku tilmaamay "shir beeleed" isagoo ku nuux-nuux saday in aanu degaanku u baahneyn shirarka noocaasi ah.
"Waxaan nahay Umad tirro yar oo ku dhex- nool bulsho badan…uma baahnin shir beeleed," ayuu xusay, isaga oo intaasi ku daray "Inkasta oo dadka ay xor u yihiin oo shirar qabsan karaan".
Cagjar ayaa si horudhac u tilmaamay in go’aanada kasoo baxa shirkaasi aanu khuseyn doonin degaanka maadaama dadka qabanaya ay yihiin kuwa aanan kasoo jeedin degaanka, sida uu hadalka u dhigay.
"Shirkaasi inaga nama khuseeyo, maadaama oo aan khuseynna go’aanada kasoo baxa nama khuseeyaan," ayuu hoosta ka xariiqay.
Tan iyo markii la magacaabay sanadkii hore kadib rabshado ka dhacay Jigjiga, Mustafa Cagjar ayaa wajahaya culeyso siyaasadeed oo kaga imaanaya xubnaha kamidka ahaa maamulkii Cabdi Illay ee la riday.
GAROWE ONLINE