Mustafe Cumar oo soo magacaabay qaar ka mid ah taliyeyaasha laamaha amniga

Image

Madaxweynaha cusub ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya Mustafe Cumar Muxumed ayaa soo magacaabay qaar kamid ah taliyeyaasha laamaha ammaanka iyo xukummadda.

Mustafe Muxumed Cumar ayaa sheegay in sababta uu soo magaacaabay jagooyinkan ay tahay baahida badan ee loo qabo adeegyada dhanka ammniga iyo xafiiska maamulka Dowlad deegaanka.

Taliyeyaasha Liyu booliska.

Maxamed Cabdi Mawsar waxaa loo magacaabay taliyaha guud ee ciidammada Liyu booliska.

Cabdi Xasan Muuse- Ku-xigeenka taliyaha Liyu booliska.

Bashiir Aw Xasan-Madaxa howlgalka Liyu booliska.

Mukhtaar Sheikh Xusen Amiin-Madaxa adeega Liyu booliska.

Jarmali Muxumed- Madaxa sirddoonka Liyu booliska.

Taliyeyaasha booliska caadiga.

Janaraal Maxamed Xasan Cali(Maxamed Yare)- Taliyaha booliska.

Maxamed Cabdi Gurey- Ku-xigeenka booliska.

Cabdiakariim Sheikh Muuse oo ahaan jiray sarkaal ka tirsaan Liyu booliska-waxaa loo magacaabay madaxa ciidammada asluubta.

Madax xafiiskeeda xafiiska maamulka Dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya waxaa loo magacaabay KhadarJigree Aadaan, oo ah ganacsade ka yimid dalka Mareykanka.

Duqa magaalada Jigjiga waxaa loo magacaabay Garaad Cumar Dool Xirsi.

Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya Mustafa Cumar Muxumed ayaa maalinkii xilka loo dhaarinyay qabsaday in muddo toddobo maalmood gudahood uu kusoo dhisi doono xukumadda maamulka.

 Xigasho:BBC

Related Articles

Mali, Burkina Faso iyo Niger oo sameeyay isbahaysi milatari oo la mid ah NATO

Isbahaysigan cusub ayaa lagu sheegay inuu ka jawaabayo caqabadaha amni ee sii kordhaya ee ka dhanka ah dowladaha gobolka.

  • Afrika

    22-12-2025

  • 08:01AM

Kenya oo Walaac ka Muujisay Shabakadaha Dhalinyarada u Diraya Dagaalka Ukraine

Dowladda Kenya ayaa hadda ballanqaadday in ay adkeyn doonto kormeerka hay’adaha shaqooyinka dibadda u dira dadka.

  • Afrika

    21-12-2025

  • 09:27AM