Muxuu salka ku hayaa socdaalka Madaxweynaha France ee Ethiopia?

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

ADDIS ABABA - Madaxweynaha France Emmanuel Macron ayaa booqasho labo maalmood qaadan doonta maanta uga billaabatey dalka Eithiopia, isagoo lugtii hore ee safarkiisa Africa ku tagey Djibouti.

Macron ayaa ku degay magaaladda taariikhiga ah ee Lalibela, oo caasimad u ah gobolka Amhara ee waqooyiga Eithiopia halkaasi oo uu kusoo dhaweeyay Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed.

Sababta uu magaladda u caga-dhigtay Macron ayaa lagu sheegay inuu booqanayay Kaniisaddo da'weyn oo lagu magacaabo "Rock-Hewn Churches of Lalibela", oo hay'adda UNESCO u aqoonaasatay goob dhaqan oo caalami ah.

Waxaa Madaxweynaha kadib loo galbiyay Addis Ababa, oo uu kulan kula leeyaya Madaxweynaha Eithiopia, haweenayda lagu magacaabo, Sahle-Work Zewde, oo ay kawada hadli doonaan xiriirka labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhaxeeya.

Mudada uu Macron ku sugan yahay Addis Ababa ayaa la saxiixan doono madaxda dalka Eithiopia heshiisyo ganacsiga iyo kuwa kale oo aan la shaacin.

France iyo Eithiopia ayaa ka dhaxeeyay xiriir diblumaasi oo qoto dheer tan iyo 1897.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka Carabta oo ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Itoobiya

Imaaraadka ayaa sheegay in xaaladda cusub ay khatar ku tahay midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Itoobiya.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 12:34PM

Aliko Dangote oo dhisaya dhuun shidaal oo Itoobiya iyo Jabuuti isku xiri doonta

Jabuuti ayaa iyaduna ka faa’iidi doonta mashruuca, iyadoo la filayo inay kordhaan shaqooyinka, dhaqdhaqaaqa dekedda iyo dakhliga dowladda.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 05:29AM