Nigeria: Ugu yaraan 15 qof oo lagu toogtey meel u dhow masjid

Image
Dadka degaankan ayaa lacag siiyey burcadda si ay uga nabad-galaan balse waxaa muuqata in ay ku hungoobeen.

ABUJA, Nigeria - Kooxo hubeysan ayaa ugu yaraan 15 qof ku dilay meel u dhow masjid ku yaalla waqooyi-galbeed ee gobolka Zamfara ee dalka Nigeria, sida ay sheegeen dadka deegaanka illo wareedyo amni Sabtidii oo ay soo xigatay wakaalada wararka Reuters.

Weerarkan oo ka dhacay deegaanka Bukkuyum ee dowlad deegaanka Bukkuyum ayaa ka dhacay Salaadii jimcaha xili lagu jiray masjidka dhexe ee Jimcaha ee magaalada Ruwan Jema, sida ay wakaalada wararka ee Reuters u sheegeen 3 kamid ah dadka deegaanka.

"Kooxaha hubeysan ayaa ku yimid mootooyin iyagoo haysta qoryahooda, waxayna si toos ah ugu dhaqaaqeen masjidka, waxayna billaabeen inay si teel-teel ah nagu toogtaan," ayuu yiri Amimu Mustapha oo ka mid ah dadka deegaanka.

Mid kale oo ka mid ah dadka deegaanka oo codsaday in aan magaciisa la xigan ayaa sheegay in weerarka uu dhacay abaare 2-dii duhurnimo ee waqtiga maxaliga ah, isagoo intaa ku daray inay jiraan dad kale oo badan oo dhaawacmay.

Afhayeen u hadlay booliiska gobolka Zamfara si degdeg ah ugama jawaabin wicitaannada ama farriimaha qoraalka ah ee lagu doonayo in lagu xaqiijiyo warbixinnada dadka deegaanka.

Bishii Ogosto, dadka deegaanka Ruwan Jema ayaa sheegay inay burcadda siiyeen 9 milyan oo naira ($21,000), shidaal iyo sigaar, iyadoo ballan-qaaday in raggan ay ka hari doonaan.

Weeraradan ayaa jahawareer ku riday ciidamada ammaanka. Milatariga ayaa todobaadkii hore uga digay dadka degan Zamfara iyo labada gobol ee kale in ay isaga baxaan dhulka keymaha ah ka hor ololaha duqeymaha ee lagu beegsanayo burcadda iyo argagixisada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lix Muwaadin oo u dhashay Morocco oo Puntland sii daysay oo dalkooda dib ugu laabtay

Raggan ayaa markii hore lagu qabtay buuraleyda Cal-miskaat ee gobolka Bari ee Puntland bilowgii sannadkii 2024.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 12:19PM

Iskaashi Siman: Faransiiska oo Afrika ugu Deeqay $27 Bilyan oo Maalgashi ah

Waa shirkii ugu horeeyay oo Faransiiska ku qabto dal aan Luuqadda Faransiiska looga hadlin, oo kamid ahayn kuwa uu soo gumeystay.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 11:23AM