Nin loo xiray caawinta burcad-badeed Soomaali ah oo la daayay
NAIROBI, Kenya - Agaasinka dacwad-oogista Kenya (DPP) ayaa aqbalay racfaan uu soo gudbiyay Ali Batitu Kololo oo muddo 11 sano ah u xirnaa dil loo geystay dalxiise British ah David Tebbutt iyo afduubka xaaskiisa June 2011-kii.
Burcadbadeeda Soomaalida ayaa dilay Tebbutt xilli uu ku socdaalayay Lamu sanadkii 2011-kii, waxaana ay afduubteen xaaskiisa oo ay haysteen muddo lix bilood ah. Kololo ayaa la sheegay in uu caawiyey kooxdan.
Bilayska caasimada Muqdisho ayaa soo diray koox saraakiil ah si ay u caawiyaan dhiggooda Kenya. Judith oo ah afada waxay lix bilood maxbuus u ahayd kooxda Al-Shabaab.
Tallaabo hadda soo dhawaynaysa xorriyadda Kololo, Agaasinka DPP ayaa gudbiyey warqad ay uga tanaasulayo maxkamadeynta iyadda oo ku eedeeyay xeerbeegtadda in ay khaladay geedi-socodka dhageysiga.
Falanqeeyeyaal iyo sharci-yaqaano ayaa go'aanka agaasinka DDP waxa ay ku tilmaameen inuu banaanka soo dhigayo "hanaan maxkamadeyn cadaalad darro ah oo lagula kacay nin aan waxba galabsan".
Kololo ayaa astaan u noqdey howlgalka ay ciidamadda difaaca Kenya kusoo galeen gudaha Soomaaliya kadib afduubka iyo dilka dalxiiseyaasha si ay ula dagaalamaan Al-Shabaab.
Xeer-ilaalinta ayaa xustey in aan loo baahneyn in maxkamada sare ay ku baaqdo cadeymo dheeri ah oo lagu soo oogayo Kololo. Waxay doonaysaa in maxkamaddu ogolaato racfaanka ayna sii dayso ninka 42 jirka ah.
Kololo ayaa lagu xukumay dil toogasho, waxaana uu ku shaabadeeyey argagixisanimo iyadoo loo cuskaday been abuur ay sameeyeen booliska, taasoo aad ugu wacneyd in sarkaalka garsoorka uu rumaysto.
Kiiska Ali Batitu Kololo waa tusaale cad oo muujinaya sida nidaamka caddaaladda dembiilaha ee fashilmay uu u noqon karo cawaaqib xun oo saameysa nolosha muwaadiniin badan haddii aan la helin ka fiirsasho iyo taxadar badan.
GAROWE ONLINE