Nin saaxiibkiisa u dilay aflagaado uu u geystay oo Booliska isu dhiibay

Image

NAIROBI, Kenya – Booliska magaaladda Tana Delta ee ismaamul goboleedka Tana River ayaa shaaciyay in ay hayaan nin dilay saaxiibkiisa.

Leonard Baya, oo 68-sano jir ah, ayaa seef u adeegsaday dilka saaxiibkiisa Kahingu Katana, oo 40-sano jir ah, markii uu aflagaadeeyay.

Taliyaha booliska Tana River ee Fredrick Ochieng ayaa sheegay in Katana uu ku tilmaamay Baya "nin aan waxba ka tareyn dumarka [labeeb]."

"Baya waxaa la sheegay in uu ka carooday markii loogu yeeray nin aan waxba dhaleyn oo guursaday dhilo, iyada ay marti kale fadhiso," ayuu yiri taliyaha.

Muranka halkaasi ka dhashay ayaa la sheegay in uu sii xoogeystay iyada oo uu gaarey in ay seef isu soo qaataan oo qoorta laga jaro Katana.

"Katana waxaa la sheegay in markii uu hadaladaasi ku oranayey saaxiibkiisa uu cabsanaa," ayuu taliyaha hadalkiisa kusii daray.

Meydka ayaa la dhigay halka lagu keydiyo ee ku taalla magaaladda si baaritaano loogu sameeyo marka loo baahdo.

Eedaysanaha ayaa haatan sugaya in maxkamad lasoo taago, wuxuuna wajahayaan dacwad ku saabsan dil.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Museveni oo hoggaanka u haya doorashada Uganda, mucaaradka oo cabanaya 

Suxufiyiin maxalli ah ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay ka hor istaageen inay gaaraan guriga Bobi Wine ee xaafadda Magere ee Kampala.

  • Afrika

    17-01-2026

  • 12:35PM

Doorashada Uganda: Madaxweyne Museveni oo Raadinaya Markiisii 7-aad

Doorashada ayaa ku bilaabatay jawi kacsan, waxaana la soo sheegayaa in meelaha qaar laga jaray adeeggii internet-ka.

  • Afrika

    15-01-2026

  • 11:56AM