Nin Soomaali ah oo Nairobi lacag badan looga dhacay

Image
Booliiska Kenya ayaa sheegay in ay wadaan baaritaan ku aaddan arrinkan.

NAIROBI, Kenya - Nin ganacsade Soomaali ah ayaa lagu soo waramayaa in magaalada Nairobi looga dhacay lacag badan , iyada oo falkaasi lagu eedeeyay booliiska Kenya.

Ganacsadahan oo lagu magacaabo Maxamed Xaaji ayaa sheegay in booliiska Kenya ay lacagtani ka dhaceen kadib markii uu kasoo sarifay xaafadda Westlands, dhexdana u galeen booliiska nabad gelyada waddooyinka wiilkii lacagta waday, islamarkaasna saarnaa mootada Boda Boda loo yaqaano.

Lacagta waxa ay dhannayn Ksh6 milyan oo lacagta Kenya ah oo u dhiganta $50 kun oo doolar.

Wiilkii lacagta soo sarifay oo u waday xaafadda Islii oo goobta ganacsiga ninkani ku yaalo ayaa la sheegay in lagu afduubtay gaari, lacagtana ay si xoog ah ula wareegeen rag labisan dareeska ciidanka.

Booliiska Kenya ayaa sheegay in ay wadaan baaritaan ku aaddan arrinkan.

Dhowaanahan waxaa soo kordhayay dhacdooyinka lacagaha caddaanka ah looga dhacayo Soomaalida oo inta badan aanan adeegsan nidaamka bangiyada, kuna ganacsada lacago caddaan ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wararkii ugu dambeeyey: Dhisme dabaqyo badan ka kooban oo ku dumay Nairobi

Warbaahinta caalamiga ah iyo tan Kenya ayaa siyaabo kala duwan uga warbixiyey tirada…

  • Afrika

    23-10-2026

  • 03:36PM

Madaxweynaha Cameroon oo dalkiisa booqasho keliya ku taga, inta badan waqtigiisana ku qaata Switzerland

Intii lagu jiray ololihii doorashada madaxtinimada ee 2025, madaxweynuhu si weyn ugama dhex muuqan isu-soo-baxyada ololaha.

  • Afrika

    23-10-2026

  • 08:18AM