Nin ugaarsiga duurjoogta ku quudiya qoyskiisa oo tabaaleysan

Image

NAIROBI, Kenya – Booliska Kenya ayaa xabsiga dhigay nin 33-sano jir ah kaasi oo u gaarsada duur-joogta. Beeraleygaan ayaa durba maxkamad lasoo taagay.

Sammy Mwenda oo qirtay dambiga lagu soo eedeeyay ayaa shaaciyay in uu ku quudiyo duur-joogta qoyskiisa oo tabaaleysan.

Ninkaan reer miyiga ah ayaa ku nool tuulada Duse, taasi oo hoostagta Garbatulla kana tirsan gobolka Isiolo.

Ciidamada Booliska ayaa soo qabtay Mwenda 8-da bisha April. Balse maxkamada ayaa doodiisa kadib xabsiga kasii deysay.

"Waxaan codsaayaa cafis, maxaa yeelay waxaa ku quudiyaa qoys balaaran oo gaajeysan," ayuu u sheegay maxkamadda.

Doodaasi waxaa ku gacan-seyray dacwad oogayaasha oo tilmaamay in duur-joogta ay tahay mid aanan la tabaan karin, ilaalin mooyee.

Kiiskaan ayaa dib loogu dhigay 24-ka bishaan April, markaasi oo maxkamad ay kasoo saari doonto warbixin labaad oo tafaaftiran.

Sammy Mwenda ayaa waxaa lagu qabtay isaga oo soo qabsaday laba xabo oo Sagaaro ah, kuwaasoo ay kala wareegeen ciidamada amaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya oo ku eedaysay Eritrea, Suudaan iyo Masar inay taageeraan kooxaha hubaysan

Taliyaha guud ee ciidanka Itoobiya, Birhanu Jula, ayaa dhammaadkii toddobaadkii sheegay….

  • Afrika

    29-09-2026

  • 07:50PM

Imaaraadka Carabta oo ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Itoobiya

Imaaraadka ayaa sheegay in xaaladda cusub ay khatar ku tahay midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Itoobiya.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 12:34PM