Ninkii hogaaminayay Afgembigii Sudan oo is-casilay iyo xiisad taagan

Image

KHARTOUM - General Cawad Ibnu Cawf, oo ah ninkii hogaaminayay afgembigii Khamiistii lasoo dhaafay ka dhacay dalka Sudan ayaa ku dhawaaqay inuu iska-casilay xilkii Madaxa Gollaha Militeriga.

Bayaan uu ka akhriyay TV-ga Qaranka ayuu General Cawad ku shaaciyay is-casilaadiisa, isagoo sheegay in tallaabadan uu u qaadau danaha shacabka Sudan, oo diiday in dalka uu markale galo xukun militeri.

Shacabka dibadbaxaya dhigaya ayaa soo dhaweeyay is-casilaadda General Cawad.

Cawad ayaa u magacaabey xilka uu iska-casilay Gen C/fitaax Cabdiraxman Burhan, oo hogaamin doona Gollaha Militeriga, iyadoo wali shacabka ay wadaan dibadbaxyo ay ku dalbanayaan in awoodda gacantooda lagu soo celiyo, oo la dhiso dowlad rayid ah.

Militeriga qabsaday Sudan ayaa sheegay in dalka ay maamuli doonaan mudo labo sano ah, kadibna ay qaban doonaan doorashooyin guud, balse taasi waxay u cuntami waysay shacabka, oo ka cabsi qaba inay markale galaan xukun kaligii-talis ah.

Ugu yaraan 38 qof ayaa lagu dilay rabshadah Sudan oo soo billwoday December 2018, xilligaasi oo dibadbaxyada lagu dalbanayay inuu is-casilo Madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir, oo xafiiska joogey 30 sano.

General Cawad Ibnu Cawf ayaa afgembi ku sameeyay Al-Bashiir, oo u ahaa shaqsi aad ugu dhaw oo dhowr jeer xilal usoo magacaabey, sidoo kalena dalacsiin u sameeyay.

Al-Bashiir ayaa markii talada dalka lagala wareegay kadib la sheegay in la dhigay xabsi guri, isagoo lagu hayo meel aan la shaacin oo gudaha Sudan kamid ah.

Ninkan ayaa ku jira liiska shaqsiyaad u dhashay Sudan oo Mareykanka uu xayiraad uu kusoo rogay 2007, isagoo lagu eedeeyay inuu xasuuq ka geystay gobolka Darfur, ee galbeedka dalkaasi, xilligaasi oo uu ahaa Taliyaha Sirdoonka sanadkii 2000.

GAROWE ONLINE 

  

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM