Ninkii loogu doon-doonista badnaa Al-Shabaabka Kenya oo la dilay

Image

NAIROBI, Kenya - Axmed Iimaan Cali, ninkii loogu doon-doonista badnaa ee Al-Shabaab u qaabilsanaa dalka Kenya ayaa lagu waramayaa in duqeyn lagu dilay.

Xarunta Strategic Intelligence oo indha-indhaysa arrimaha sirdoonka ayaa sheegtay in Axmed, oo Kenyan ah, lagu khaarijiyay duqayn dhacday 22-kii bishaan.

Sidda laga soo xigtay warbixin kasoo baxday xaruntaasi, sarkaalkaan ayaa waxaa la geeriyootay 40 kale oo Shabaab ah, markii duqayn lala dhacay.

Balse, warbixinta laguma xusin goobta uu howlgalku ka dhacay iyo fahfaahinta cidda fulisay weerarkaasi cirka ah.

Axmed oo loo yaqaano Abu Zinira ayaa la rumeysan yahay in u qaabilsanaa Shabaab shaqooyin ay kamid tahay qorista da’yarta iyo warbaahinta.

Mareykanka ayaa bishii Agoosto 2018-kii sheegay in Axmed uu mas'uul ka ahaa beegsiga lagu hayo shacabka iyo dowladda Kenya.

Kadib Aboud Rogo iyo Sheikh Makaburi, waxaa la sheegay in Axmed uu dhax-lay door hogaamineed oo awood eh.

Intaasi waxaa dheer, xogo sirdoonka ay sheegaya in loo dalacsiiyay Axmed jago hogaamineed oo dhinaca urur-waynaha Al-Qaacida ah.

FIA-da iyo hay'adda basaaska Kenya ayaa ku daray sarkaalkaan liiska shaqsiyaadka ay sida wayn u ugaarsanayaan dalalkaasi.

Hogaamiyahaan la sheegay in la dilay ayaa lagu waramayaa in uu ka dambeeyo garabyo ay kooxdu ka sameysatay Kenya, Tanzania, Mozambique, Uganda, Burundi, iyo DR Congo.

Sidda ku cad warbixin ay soo saareen baarayaal Mareykanka ah, Cali ayaa mas'uul ahaa weerarkii lagu qaaday saldhiga ciidamada Kenya ee Ceel Cadde, bishii Janaayo 2017-kii, dhacdadaasoo lagu dilay 150 askari.

Macluumaadka sirdoon ayaa soo jeedinaya in geeridiisa ay dharbaaxo ku noqoneyso dhaqdhaqaaqa bariga Afrika ee xoogaga argagaxisada ah.

Argagaxiyaha u dhashay Kenya kaasi oo bare ka ahaa Dugsi ku yaalla Keya ayaa sanadkii 2012-kii laga dhigay madaxda Al-Shabaab, isaga o u qori jiray dhalinyaradda si ay ugu biiraan kooxda kahor inta aysan Soomaaliya u soo safrin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Museveni oo hoggaanka u haya doorashada Uganda, mucaaradka oo cabanaya 

Suxufiyiin maxalli ah ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay ka hor istaageen inay gaaraan guriga Bobi Wine ee xaafadda Magere ee Kampala.

  • Afrika

    17-01-2026

  • 12:35PM

Doorashada Uganda: Madaxweyne Museveni oo Raadinaya Markiisii 7-aad

Doorashada ayaa ku bilaabatay jawi kacsan, waxaana la soo sheegayaa in meelaha qaar laga jaray adeeggii internet-ka.

  • Afrika

    15-01-2026

  • 11:56AM