Ninkii "ugu da'da weynaa" Uganda oo dhintay isaga oo aan hubin da'diisa

Image

KAMPALA, Uganda – Shaqsi lagu tilmaamay in uu ahaa "ninkii ugu da'da weynaa" waddanka Uganda ayaa wuxuu geeriyooday maanta oo Arbaco ah, sida uu qoray New Vision.

Ruuxan oo lagu magacaabi jiray John Ahuruma, kaasi oo caan ka ahaa dalkaas, ayaa waxaa da'diisa lagu sheegay 134-sano jir.

Ma cadda sababta keentay dhimashadiisa, balse waxaa lagu waramayaa in ay tahay xanuuno ka dhashay kororka da'diisa.

Dukmiintiyo laga helay hoygiisa ayaa waxay muujinayaan in uu dhashay sanadku markuu ahaa 1885-tii.

Wareysi uu bixiyey sanadkii 2017-kii ayaa waxa uu ku sheegay in uusan isagu u hubin da'diisa, balse ay qiyaaseen wadaadada masiixiyiinta.

Bishii October ee sanadkii 2016-kii ayaa waxaa guri u dhisay madaxweyne Yoweri Museveni kadib markii uu Madaxtooyadda ku qaabilay.

Sikastaba ha ahaatee, dadka ku nool waddanka dhaca bariga Afrika oo ka fal-celiyay geeridiisa ayaa sheegay in ay aad uga naxeen, balse waxay u rajeeyeen naxariis badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM