ONLF oo ic-laamisay xabad-joojin hal dhinac ah

Image

NAIROBI - Jabhadda ONLF ayaa si rasmi ah waxay ugu dhawaaqday inay xabad-joojin ay la galayaan dowladda Itoobiya oo muddo tobbaan sano ah ay kula jireen dagaalo kharaar.

Afhayeenka Jabhadda ONLF, Cadaani Hirmooge oo warbaahinta kula hadlay magaaladda Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa waxaa sheegay talaabadaan ay salka ku hayso “baaqa nabadeed ee Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya ee Abiy Axmed".

Wuxuu sheegay in xabad joojinta ay ka bilaabaneyso maanta oo ay taariikhdu tahay 12-ka bisha Agoosto, inkasta oo uusan shaacin hadii ay tahay mid daa'in ama ay tahay waqti go'an.

Dowladda Federaalka ah ee Itoobiya wali jawaab kama aysan soo saarin xabad-joojinta halka dhinac ka timid Jabhadda hubeysan e ONLF, taasoo dagaalo kula jirtay xukuumadda Addis Ababa sanado badan.

"Xabad xoojinta halka dhinac ah oo aan ic-laaminay waxaan u aragnaa inay tahay mid xal u ah dalkeena oo dhan, maxaa yeelay wixii aan tirsanaynay ayaan noola ogolaaday in lagu xaliyo miiska dushiisa," ayuu Cadaani Hirmooge raaciyay hadalkiisa.

Dhanka kale, war-saxaafadeed kasoo baxay Jabhadda ONLF ayaa loogu baaqay dowladda Federaalka ah ee Itoobiya inay kasoo jawaabto xabad-joojinta ay ku dhawaaqday, taasoo noqoneysa mid lama filaan ah.

Talaabadaan ayaa kusoo beegmaysa iyada oo maalmihii udambeeyay ay ka socdeen Magaaladda Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya kulamo looga arrin-sanayo masiirka siyaasadeed ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya, kaasoo mugdi galay.

ONLF ayaa dagaal kula jirtay Itoobiya tan iyo 1994, waxayna ka fulisay gudaha dalkaas weeraro, kuwaasoo dhaliyay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyaga oo udagaalamayay inay gobolka Soomaali Galbeed uu ka go' Itoobiya inteeda kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Itoobiya oo shaacisay in cudur aan Africa loogu arag uu ka dilaacay dalkaas

Xaqiijinta WHO waxay timid maalin kaddib markii hay’addu sheegtay in maamulka caafimaadka Itoobiya ay baarayaan.

  • Afrika

    15-11-2025

  • 05:39AM

Madaxweyne Afwerki oo dhaliilay doorka Qaramada Midoobay ee gobolka Geeska Afrika

Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yemane Meskel, ayaa sheegay in kulanka lagu soo qaaday arrimo ku saabsan horumarinta gobolka.

  • Afrika

    14-11-2025

  • 07:54AM