Qarax ka dhacay Nairobi iyo wararkii ugu dambeeyay

Image
Image
Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya - Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhaawacmay qarax caawa ka dhacay magaaladda Nairobi, ee caasimadda Kenya kaasoo kusoo beegmaya xili shacabka dalkan ay wali u murugoonayaan dadkii looga dilay weerarkii Dusit D2 hotel 15-kii bishan.

Qaraxa oo boolisku ay sheegeen inuu ka dhashay walxo qarxa ayaa ka dhacay afaafka hore Makhaayadda Smothers Fast Food ku taalla wadada Tom Mboya ee magaaladda Nairobi saacaddu markii ay ahayd 7 P.M. [Hal saac oo habeenimo].

Mid kamida labada ruux ee ku dhaawacmay ayaa xaaladdisu tahay mid fudud, oo dhaawac ka gaarey dhinaca lugta, kadib markii uu ka galay firir ka dhashay qaraxa, waxaana la dhigay Isbitaalka.

Jugta qaraxa oo ahayd mid culus ayaa laga maqlay meelo fog oo Nairobi katirsan, iyadoo khal-khal gelisay jawigii degaanaa xilliga habeenka caasimadda Kenya. 

Booliska ayaa xiray wadooyinka ku dhaw goobta uu qaraxu ka dhacay.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarkan, sidoo kalena mas'uuliyiinta laamaha amniga dalka Kenya oo wada baaritaanno ku saabsan dhacdadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dibadbaxyo ka dhan ah ajaanibta oo ka billowday South Africa, kumannaan qofna cabsi u cararay

Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in dastuurku dammaanad qaadayo xorriyadda dibadbaxa.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 01:37PM

Maxay Burkina Faso xiriirka ugu jartay dalkii hore u gumeysan jiray ee Faransiiska?

Xiriirka u dhexeeyay Burkina Faso iyo Faransiiska ayaa si weyn u xumaaday tan iyo afgambigii militari ee dhacay sanadkii 2022.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 06:55AM