Weerar askar looga dilay Kenya oo ka dhacay sohdinta Soomaaliya

Image

WAJIR, Kenya - Ugu yaraan 12 Askari oo kamid ahaa booliska Kenya ayaa lagu dilay, tiro kalena way ku dhaawacmeen qarax culus oo barqadii maanta lagula eegtay meel ku dhaw xuduudka Soomaaliya.

Qaraxa oo ahaa miino wadada qarkeeda lagu aasay, ayaa ka dhacay inta u dhaxaysa degaanada Riba iyo Konton, oo hoostaga degmada Wajir, ee gobolka Waqooyi bari, sida ay saraakiisha amniga Kenya sheegeen.

Xoogaga loo maleynayo inay katirsan yihiin Al-Shabaab ayaa rasaas ku furay gaari ay la socdeen ciidamada booliska kadib qaraxa, waxaana lagu soo waramayaa in goobta ay gaareen askar gurmad ah.

Weerarkan ayaa yimid maalin kadib markii Al-Shabaab ay xoog ku gashay saldhi ku yaalla Tuuladda Konton, halkaasi oo ay kasoo afduubtay saddex askari oo boolis ah, kuwasoo loo maleynayo inay dhanka Soomaaliya lasoo gashay.

Kenya ayaa wajahaysa weeraro argagaxiso oo uga imaanaya Al-Shabaab, kadib markii ciidamada dalkan kasoo tallaabeen xadka 2011, iyagoo la dagaalamaya Kooxdan xiriirka la leh Al-Qaacida.

Todobaadkii tagey, Kenya ayaa xirtay xadka Soomaaliya, sababo amni, waxaana boolisku sheegeen inay heleen macluumaad muujinaya inay weeraro kusoo food leeyihiin dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ismaaciil Cumar Geelle Oo Markii Lixaad Ku Guuleystay Doorashada Jabuuti

Wax yar kadib markii natiijooyinka hordhaca ah la shaaciyay, Guelleh oo 78 jir ah ayaa ku qoray “Reelected” bartiisa ku taal X.

  • Afrika

    11-04-2026

  • 12:44PM

Jabuuti oo u diyaar garowday doorashada madaxtooyada, Geelle oo la filayo inuu guuleysto

Doorashadii ugu dambeysay ee 2021 ayuu ku guuleystay Geelle qiyaastii 98 boqolkiiba codadkii la dhiibtay.

  • Afrika

    09-04-2026

  • 12:03PM