Weerar askar looga dilay Kenya oo ka dhacay sohdinta Soomaaliya

Image

WAJIR, Kenya - Ugu yaraan 12 Askari oo kamid ahaa booliska Kenya ayaa lagu dilay, tiro kalena way ku dhaawacmeen qarax culus oo barqadii maanta lagula eegtay meel ku dhaw xuduudka Soomaaliya.

Qaraxa oo ahaa miino wadada qarkeeda lagu aasay, ayaa ka dhacay inta u dhaxaysa degaanada Riba iyo Konton, oo hoostaga degmada Wajir, ee gobolka Waqooyi bari, sida ay saraakiisha amniga Kenya sheegeen.

Xoogaga loo maleynayo inay katirsan yihiin Al-Shabaab ayaa rasaas ku furay gaari ay la socdeen ciidamada booliska kadib qaraxa, waxaana lagu soo waramayaa in goobta ay gaareen askar gurmad ah.

Weerarkan ayaa yimid maalin kadib markii Al-Shabaab ay xoog ku gashay saldhi ku yaalla Tuuladda Konton, halkaasi oo ay kasoo afduubtay saddex askari oo boolis ah, kuwasoo loo maleynayo inay dhanka Soomaaliya lasoo gashay.

Kenya ayaa wajahaysa weeraro argagaxiso oo uga imaanaya Al-Shabaab, kadib markii ciidamada dalkan kasoo tallaabeen xadka 2011, iyagoo la dagaalamaya Kooxdan xiriirka la leh Al-Qaacida.

Todobaadkii tagey, Kenya ayaa xirtay xadka Soomaaliya, sababo amni, waxaana boolisku sheegeen inay heleen macluumaad muujinaya inay weeraro kusoo food leeyihiin dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Tanzania oo Gabadheeda iyo Ninkeeda kusoo dartay Gollaha Wasiiradda

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa magacaawday ninka Wanu Hafidh Ameir, Mohamed Mchengerwa, inuu noqdo Wasiirka Caafimaadka.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 05:13PM

Gabdho laga afduubey Iskuul ku yaalla dalka Nigeria 

Dadka deegaanka ayaa aad uga walaacsan amniga carruurta waxbarata iyo in weerarradan oo kale ay sii badanayaan.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 08:16AM