Qaylo-dhaan kasoo yeertey ajaaniib "lagu haysto" Soomaaliya
KISMAAYO, Jubaland - Kalluumeysato Kenyaan ah oo sheegay in ay ku xayiran yihiin gudaha Soomaaliya ayaa waxay ka codsadeen dowladoodda in ay ka caawiso sidii ay dib ula midoobi lahaayeen qoysaskoodda.
Shaqsiyaadkan oo kasoo jeeday ismaamulka Kwale ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Mohammed Omar Mgala, Omari Shee, Hamisi Zito, Kimosha Abdallah iyo Abdallah Gwashe.
Mgala oo wareysi dhanka telefoonka ah siiyey The Star ayaa shaaca ka dhigay "in uu haysto" ganacsade Soomaali ah kaasoo kalkii hore u soo kaxeeyay Soomaaliya si ay kalluun ugu soo jilaabaan.
Warbixinta laguma caddeyn halka ay kalkii hore kusoo dageen kalluumeysatadan oo dhamaantooda si gaar ah uga soo jeeda degaanka Lunga-Lunga ee ku dhow xuduudka Tanzania iyo Kenya.
"Sababo ammaan iyo cadaawad ay noo muujiyeen saaxiibadeena Soomaaliya, waxaan codsanay in aan dalkayaga ku noqono balse wuu naga diidey, isaga oo ku adkeysatay in aan joogno," ayuu tibaaxay.
Isaga oo hadalkiisa sii wata, Mgala ayaa sheegay in ganacsadaha iyo saaxiibkiis kalka hore keenay Soomaaliya ay ugu hanjabeen in ay u gacan-gelinayaan Al-Shabaab "haddii ay sii wadaan madax-adeega".
Sida laga soo xigtey warbixinta, booliska oo qadiyada soo farageliyey ayaa sababtey in loo wareejiyo Kismaayo hase ahaatee ganacsadaha wuxuu dalbadey in la siiyo magdhow si ay Kenya ugu noqdaan.
Ciidamadda Kenya ee jooga Soomaaliya ayaa lagu waramay in ay la socdaan dhaqdhaqaaqan kalluumeysatadan isla markaana ay ka qeyb-qaadanayaan dadaalada dib loogu celinayo waddankooda.
Dhanka kale, dowladda federaalka Soomaaliya ayaan wali wax war ah kasoo saarin dhacdadan. Isku-dayo xiriir oo warsidaha Garowe Online uu la sameeyay taliska booliska ayaanan guuleysan.
Kiisaska noocaan ah ee lagu bartilmaameedsado ajaaniibta shaqooyinka u soo doonta Soomaaliya ayaa sii kordhayay mudooyinkii ugu dambeeyay, waxaana laga digay in arrintan ay dhaawici karto sumcada dalka.
GAROWE ONLINE