Ra'iisul Wasaarihii hore ee Tunisia oo xabsi loo taxaabay

Image
Qareenadiisa iyo xisbigiisa ayaa si weyn uga gilgishay go'aanka xeer-beegtadda.

TUNIS, Tunisa - Maxkamad ku taal Tunisia ayaa Isniintii shalay ahyad xabsiga dhigtay Cali Laaraydh, ra'iisul wasaarihii hore iyo sarkaal sare oo ka tirsan xisbiga Ennahda, sidda ay sheegeen qareenadiisa.

"Xaakimka baarista ayaa soo saaray go'aan xabsi oo ka dhan ah Ra'iisul Wasaarihii hore Cali Laaraydh waxa loo yaqaan 'faylka jihaadka masaafurinta'," ayuu garyaqaan Ines Harrath.

Mokthat Jmayi, oo ah qareen kale oo u doodaya Laaraydh, ayaa u sheegay Reuters in go'aanka uu yahay mid xaqiiqo ah isagoo aan bixin faahfaahin dheeraad ah.

Laaraydh ayaa hore loogu xukumay 15 sano oo xadhig ah intii uu talada hayay madaxweynihii hore ee Tunisia Zine Abedine Ben Ali sababo ku aadan in uu xubin firfircoon ka ahaa Ennahda, oo ah xisbi Islaami ah oo isku tilmaama inuu yahay Muslim dimuqraadi ah.

War qoraal ah oo uu soo saaray xisbiga Ennahda oo ah xisbiga ugu wayn Tunisia ayaa lagu beeniyay eedaymaha loo soo jeediyay Laaraydh, waxayna ku tilmaantay “isku day quus ah oo badheedh ah oo ay sameeyeen maamulka afgambiga iyo madaxweynahooda Kais Saied, si ay u qariyaan guuldaradii foosha xumayd ee doorashadii sharci dejinta”.

Saciid ayaa xukunka kula wareegay sanadkii hore, iyadoo mucaaradku ay ku tilmaameen afgambi, taasoo keentay in taageerayaasha dimuqraadiyadda dalka ay haystaan ​​fursado yar.

Bishii Luulyo 2021, wuxuu shaqada ka ceyriyay ra'iisul wasaaraha, wuxuuna kala diray baarlamaanka. Horaantii sanadkan, waxa uu dabada ka riixay afti dastuuri ah oo uu ku muujinayo awooda xukunkiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweenay Itoobiyaan ah oo 12 sano sugaysay ubad ayaa dhashay shan mataano ah

Bedriya ayaa sheegtay inay farxad weyn dareemayso kadib sannado badan oo ay la daalaa dhacaysay sugitaanka ubad.

  • Afrika

    08-05-2026

  • 07:15PM

Madaxweyne Salva Kiir oo Eryay Taliyihii Ciidanka iyo Wasiirkii Maaliyadda

Dalkan oo ah midka ugu da'da yar Afrika, ayaa tan iyo iyo markii ka go'ay Sudan wuxuu lugaha kula jiraa dagaalo.

  • Afrika

    07-05-2026

  • 08:29PM