Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Suudaan oo codsi u diray Mareykanka

Image

NEW YORK, US – Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Suudaan ayaa wuxuu ka codsaday Mareykanka in dalkiisa laga saaro waxa ay Washington ugu yeerto "liiska dowladaha maalgeliya argagixisadda".

Cabdulla Xamduuk oo ka hadlayey shirka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa wuxuu si cad daaha uga rogay in xayiraadaas ay dhibaatooyin "xoogan u geysaneyso shacabka Suudaan".

Dowladii uu majaraha u hayey madaxweyne Cumar Xasan Al Bashiir ayuu ku nuux-nuux saday "in ay taageeri jirtay argagixisadda" balse xukuumadiisa ay dooneyso in ay "bog cusub furto".

"Sidaasi awadeeda Mareykanka waa in uu Suudaan ka saaraa liiska dowladaha maalgeliya argagixisada uuna joojiyo in uu dadka Suudaan u ciqaab dambiyo uu geystay taliskiisa hore," ayuu xusay.

Suudaan ayaa liiska dalalka maalgeliya argagixisadda waxaa lagu daray 1993-dii. Talaabadaas oo dhibaato u horseeday dhaqaalaha dalkaas ayaa la xiriirtay weeraro ka dhacay Kenya iyo Tanzania.

Al Bashiir oo iminka xiran wajahayana maxkamadeyn ku aadan musuq-maasuq ayaa xilka laga tuuray dhowaan markii wadankaas ay ka dhaceen banaanbaxyo ka dhashay sare u kac ku yimid maciishada.

Xamduuk oo ku yimid isbedelka dhacay, ra’iisul wasaaraha Suudaan-na loo magacaabay bishii August ayaa hadalkiisa kusoo aadayaa iyadda oo uu haatan wada hadalo kula jiro maamulka Donald Trump.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Masar u fasaxay $320 milyan oo gargaar milatari ah

Qaybta lacagta ah ee shuruudaha laga qaaday ayaa ka tirsan maalgelinta milatari ee Mareykanka ee sanad-maaliyadeedka 2025.

  • Afrika

    03-10-2026

  • 05:39AM

Xiisadda Geeska Afrika oo cirka isku shareertay, Midowga Afrika oo war kasoo saaray

Midowga Afrika ayaa sidoo kale ku baaqay in khilaafaadka lagu xalliyo wada-hadal iyo hababka diblomaasiyadeed.

  • Afrika

    03-10-2026

  • 05:00AM