Ra'iisul Wasaaraha Suudaan oo guddi u saarey dilka dibad-baxayaal

Image

KHARTUUM, Suudaan – Ra'iisul Wasaaraha Suudaan, ayaa wuxuu ku dhawaaqay baaritaan madax banaan oo lagu sameynayo banaanbaxayaal lagu dilay waddankaas.

Baaritaanka ayaa waxaa si gaar ah waxaa loogu beegsan doonaa dibad-baxayaal dimoqraadiyad doon ah oo gaaraya 126 kuwaasoo la laayay bishii June ee sanadkan 2019-ka.

Abdalla Hamdok ayaa xusay in guddiga baaritaanka uu ka koob-naan doono todoba xubnood oo ay ku jiraan laba garsoore, xubin muhiim ah oo madax banaan iyo laba xeer-ilaaliye.

Wasiiradda Cadaaladda, Difaaca iyo Arrimaha Gudaha ayaa sidoo kale waxay kasoo muuqan doonan Guddiga.

Mudaaharaadyadda oo bilowday bishii April ayaa ka dhashay sarre u kac ku yimid maciishadda nolosha gaar ahaan Rootiga.

Mas'uuliyiinta dowladda oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah ayaa xaqiijiyey geerida 87 ruux iyo dhaawaca todobanaan kale.

Mas'uuliyiinta dowladda oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah ayaa xaqiijiyey geerida 87 ruux iyo dhaawaca todobanaan kale.

Dacwad-ooge, Fathel-Rahman Saciid, oo tilmaamay in askarta ay si sharci darro ah u beegsadeen dibad-baxayaasha ayaa kalsooni ka muujiyey in ay cadaalad heli doonan dhibaneyaasha.

Banaanbaxayadda ayaa dhabaha u xaarey in ugu dambeyntii xilka laga tuuro Cumar Xasan Al-Bashiir, kaasi oo ku dhowaad 30-sano ka talinayey dalkaas Carbeed.

Kadib bilooyin xaalad hubanti la'aan ah, mucaaradka iyo Golaha ku meel gaarka milatariga, ayaa gaarey heshiis ay ku dhisayaan dowlad ku meel gaar ah oo Hamdok loogu doortay ra’iisul wasaare.

Al-Bashiir oo xabsi ku jira ayaa wajahaya eedeymo la xiriira musuq-maasuqa, waxaana uu maxkamad ka hor-qirtay in uu malaayiin Doollar ka helay Sacuudi Carabiya.

Hay'addaha u dooda xuquuqda aadanaha oo soo dhaweeyay talaabada baaritaanka loogu sameynayo dilka banaanbaxayaasha ayaa ku sifeeyay talaabo loo qaadey isla xisaabtanka iyo cadaalada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Warshadda Dangote ee Lamu: waxay rabtaa suuqgeyn ka ballaaran Bariga Afrika

Baaxadda warshadda ayaa su’aal gelinaysa inta uu le’eg yahay suuqa…

  • Afrika

    02-10-2026

  • 02:42PM

Masar oo diblomaasi Itoobiyaan ah ka saartay dalka, 48 saacadoodna u qabatay

Tallaabooyinka is-daba jooga ah ayaa sii xumeynaya xiriirrada diblomaasiyadeed ee u dhexeeya dalalka gobolka.

  • Afrika

    02-10-2026

  • 07:52AM