Ra’isal wasaraha dalka Itoobiya oo ka hadlay rabshadahii ka dhacey Jigjiga

Image

ADDIS ABABA - Kadib markii dowlada Federaalka Itoobiya ciidamadeeda la wareegeen xarumaha dowlad degaanka Soomaalida islamarkaana meesha ka saareen Madaxweynaha maamulkaas ayaa waxa markii ugu horeysay ka hadlay arintaan RW dalkaas Abiy ahmad, sida lagu qorey barta Twitter agaasimaha xafiiskiisa Fitsum Arega.

Ra’isal wasaare Abiy oo maanta booqdey ninka kamid ah dadka ugu sareeya kaniisada diinta Orthodox ee Itoobiya kasoo dib ugu soo noqdey dalkaas Kadib markii muddo uu ku maqnaa masaafuris ayaa sheegey in degaanada Soomaalida xaaladooda wnaagsan tahay lana xalin doono arimaha ka taagan.

“Xaalada waa dagan tahay gacantaana lagu hayaa, waxaana lagu dhameyn doono wadahadal ku dhaca si Nabad ah. Dadka dib ha ugu noqdaan Nolol maalmeedkoodii islamarkaana yeysan dhageysan wararka Beenta ah ee la wareejinayo,” Sidaas waxaa yiri Abiy Axmada, bartiisa Twitter-kana soo dhigey agaasimaha guud ee xafiiska RW Itoobiya Fitsum Arega.

Magaalada Addis Ababa ayaa waxaa ku sugan wafdi ka socda dowlada degaanka Soomaalida Itoobiya xisbiga ka arimaya golihiisa dhexe kuwaas oo hogaaminayo ku simaha Madaxweynaha maamulkaas waxayna wada hadal kula jiraan dowlada Federaalka Itoobiya.

RW Abiy Axmad kuma soo hadal qaadin qoraalka laga soo gudbiyey rabshadaha u dhexeeya qowmiyadaha Soomaalida iyo Oramada kuwa soo ay ku dhinteen Dad badan kadib markii iska horimaadyo ku dhexmareen degaanada ay wada dagan yihiin ee dalkaas.

Abiy oo isagu kasoo jeeedaa qowmiyada Oromada ayaa xilka RW Itoobiya la wareerey kadib markii wadankaas muddo Labo sano ah ka socdeen mudaharaadyo looga soo horjeedo nidaamkii dalkaas ku dhaqmayey muddo ku dhow 30 sano.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Mali, Burkina Faso iyo Niger oo sameeyay isbahaysi milatari oo la mid ah NATO

Isbahaysigan cusub ayaa lagu sheegay inuu ka jawaabayo caqabadaha amni ee sii kordhaya ee ka dhanka ah dowladaha gobolka.

  • Afrika

    22-12-2025

  • 08:01AM

Kenya oo Walaac ka Muujisay Shabakadaha Dhalinyarada u Diraya Dagaalka Ukraine

Dowladda Kenya ayaa hadda ballanqaadday in ay adkeyn doonto kormeerka hay’adaha shaqooyinka dibadda u dira dadka.

  • Afrika

    21-12-2025

  • 09:27AM