Ruto oo shaaciyey goorta ciidanka Kenya ka baxayaan Soomaaliya

Image
Milateriga Kenya ayaa ka mid ah ciidamada hadda ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa sheegay in ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya ay isaga bixi doonaan Soomaaliya marka ay dhameystaan ​​howlgalkooda.

Waxa uu sheegay in ciidamada joogitaanka qeybo ka mid ah Soomaaliya ay wax badan ku lug leeyihiin xasiloonida Kenya. "Ciidamadaas waxay dib ugu soo laaban doonaan dalkooda marka ay dhammeeyaan shaqada ay u hayaan Soomaaliya," ayuu yiri.

"Waxay dalkaas joogaan 15 sano, waana ku faraxsanahay taas, waxay halkaas la joogaan la-hawlgalayaal badan. Waxaan filayaa inay iftiin ka soo baxayso doorashada Madaxweyne Xasan Maxamuud oo aan laba jeer la kulmay.”

Xasan Sheekh ayuu tibaaxay uu si cad u arko halka loo baahan yahay in la geliyo dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab. Ruto ayaa sheegay in ay la shaqeynayaan saaxiibada kale si loo xasiliyo dalka deriska la ah.

Waxa uu tibaaxay in xasilooni darida Soomaaliya ay saameyn ku leedahay Kenya sidaas darteedna ciidamada Kenya ay sii joogi doonaan dhulka inta ay ka dhameysanayaan howshooda.

Ruto ayaa caddeeyay in muhiimada ugu weyn ee Kenya ay tahay sidii ay gacan uga geysan lahayd xasilinta Soomaaliya, isagoo sheegay in danta gobolka ay ku jirto sidii loo xaqiijin lahaa in dowladda Muxamed ay guuleysato.

Ruto oo u waramayay France24 kadib shirka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ee New York, ayaa carabka ku adkeeyay in Kenya ay qiimo weyn ku bixinayso faragelinta milatari ee ay ku hayso Soomaaliya oo ay weli sii wataan weerarada joogtada ah ee uga imaanaya kooxda xagjirka ah ee Al Shabaab.

Milateriga Kenya ayaa ka mid ah ciidamada hadda ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo ay wehliyaan ciidamo ka kala socda wadamadda kala ah Burundi, Jabuuti, Itoobiya iyo Uganda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM

Hemetti oo Taliyeyaasha RSF ku amray inay qaadaan weerarro kadib guuldarro kasoo gaartay dagaalka Sudan

RSF iyo ciidamada dowladda Suudaan ayaa tan iyo Abriil 2023 ku dagaallamayay loollan awoodda dalka ah.

  • Afrika

    28-07-2026

  • 08:16AM