Sarkaal ay dishay Al Shabaab oo looga baroor-diiqay Kenya

Image
Aamusnaanta dowladda Kenya ee dilka sarkaalkaan ayaa uga sii dartay niyad jabkii qoyska Mr Kiyaipi.

NAIROBI, Kenya – Johnson ole Kiyaipi ayaa si maamuus leh loogu aasay dalkiisa Kenya kadib markii lagu dilay qarax miino oo wadada dhinaceeda lagu aasay, inkastoo aysan ciidamada iyo dowladaba si cad u sheegin geeridiisa.

Dilka 35-jirkan iyo sagaal ka mid ah saaxiibbadiis oo todobaadkii hore ku baxay gacanta Al-shabaab ayaa sare u sii qaaday baaqyada ku aaddan in Kenya ay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya, halkaasoo tan iyo sannadkii 2011-kii ay kula dagaalamayeen Al-shabaab.

Aamusnaanta dowladda Kenya ee dilka sarkaalkaan ayaa uga sii dartay niyad jabkii qoyska Mr Kiyaipi ee Kilgoris, koonfur-galbeed Kenya.

"Immisa dhalinyaro ah ayaan luminaynaa ka hor inta aan wiilasheenna dib loogu soo celin gurigooda, imisa qoys ayaa la rabaa in ay u dulqaataan xanuunka dagaalkan lagu qaaday dalal fog?" ayuu is weydiiyey walaalkii ka weynaa, Dr Joel ole Kiyiapi.

"Haddii wiilasheennu ay dhintaan, waa inay dhintaan iyagoo ilaalinaya waddankeenna gudaha xuduudaha."

Munaasabadda aaska, ayaa waxaa meydka Mr Kiyaipi geeyay tiro yar oo ka mid ah askarta Kenya, xafladda oo ay ka soo qeyb galeen boqollaal reer miyi ah.

Naxashka ayaa waxaa lagu xiray calanka Kenya, waxaana korkiisa la dhigay Koofida, Suunka iyo kabaha Ciidanka.

Xaaska Mr Kiyaipi ayaa la ilmeysay markii abaal-marin ay u qortay ninkeeda uu akhriyay nin ay saaxiibo ahaayeen: "Aniga iyo carruurtaada waanu kuu xiisi doonaa adiga iyo dhoola cadeyntaada quruxda badan. Jidkaaga u iftiimi jacaylkayga," yay ku tiri qoraalkeeda

"Waxaad ahayd qaybta ugu wanaagsan nolosheyda iyo jacaylka noloshayda. Weligaa igama aadan tegin tan iyo markii aan niri: 'Waan ku jeclahay'," ayay sii raacisay.

Markii meydka Mr Kiyaipi lagu soo dajiyay si qabriga loo dhigo, waxaa la salaam siiyay cutub ka mid ah ciidanka Kenya, waxaa goobta isku badashay boroor diiq iyo ooyin.

Afhayeenka u hadlay dadka deegaanka ayaa sheegay in qoysas badan ay waayeen eheladooda tan iyo markii howlgalka Linda Nchi (Howlgalka Ilaalinta dalka) uu bilowday 11 sano ka hor.

Faragelinta militariga ayaa ka dambeysay kadib markii kooxda xagjirka ah ay labo dalxiisayaal ah ku qafaasheen deegaanka Lamu ee u dhow xuduudka Kenya iyo Soomaaliya.

Labo sano ka dib, ciidamadan ayaa lagu daray howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (Amisom), oo ah ciidan loo sameeyay in ay Soomaaliya ka caawiyaan xasilinta iyo la dagaalanka Al-Shabaab.

Maxaa meydadka loo qariyaa?

"Haddii Maraykanku ka baxay Soomaaliya, annagu Kenyaan baanu nahay si aan halkaas ugu sii sugnaano?" Oday reer miyi ah ayaa is weydiiyey.

“Dhammaan dhalinyaradii ku geeriyootay Soomaaliya waxa ay nagu hayaan xanuun badan, waa markii ay dalkooda ku soo laaban lahaayeen oo ay ilaalin lahaayeen xuduudaheena”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Joseph Tasur.

 Qoysaska askarta dhimatau ayaa ka careysan aamusnaanta dowladda marka ay ciidamada Kenya ku dhintaan howlgallada. Waxay sheegeen in mad madowga iyo maamuus la’aanta shacabka ay tahay xushmad darro. Dowladda Kenya ma aysan sharaxin sababta ay uga aamuseen dhimashada ciidamada.

Qiyaasta hadda la helayo ayaa sheegaysa in boqollaal ka tirsan askarta Kenya looga dilay Soomaaliya, iyadoo weerarkii Ceel-cadde ee sannadkii 2016-kii ay fuliyeen xoogag Islaamiyiin ah ay ku dhinteen ku dhawaad 200 oo askari.

Milateriga ayaa sheegay inay baaritaan ku sameyn doonaan, isla markaana ay faah faahin ka bixin doonaan askartii ku dhimatay weerarka lix sano ka hor, balse ilaa hadda lama fulin.

“Waan ognahay inaad dalkayaga ilaalinaysaan, waad na ilaalinaysaan, maxaynu askartayaga u qarinaa markay hawlahooda ku dhintaan? Ayuu weydiiyey Prof James ole Kiyaipi, oo ah nin kale oo ay walaalo yihiin Johnson, horeyna u ahaa siyaasi.

'Dowladdu waa inay furnaataa'

Prof Kiyaipi ayaa sheegay in uu aad ula yaabay in aysan jirin wax dood ah oo ay qabaan xildhibaanada iyo shacabka oo ku saabsan hadafka ciidamada Kenya ee Soomaaliya jooga.

"Waxaan u baahanahay inaan dib u fikirno istaraatiijiyadeena oo aan helno waqti cad oo ay ku dhameeyaan ciidamadeena halkaas ku sugan, ma noqon karto howlgal aan la cayimin, waxaana hubnaa in aysan awoodi karin in aan ku sii waano dhalinyaradayada dagaalka," ayuu u sheegay warbaahinta.

“Askari kasta oo dhintaa waa Aabe, Wiil iyo Gabar, Madaxweynaha waxaa looga baahan yahay inuu si cad u garwaaqsado geesiyaashanada,” ayuu hadalkiisa ku daray.

“Anaga ayaa ah canshuur bixiyayaasha, dowladdana waxaa saaran mas’uuliyad in ay furto” ayuu yiri.

Waxaa jirtay caro kale oo dhanka internetka ah oo ka dhacday Kenya todobaadkii hore markii millatariga Maraykanku ay ku sharfeen saddex askari oo Kenyan ah geesinimadooda weerarkii saldhigga Manda bishii Janaayo 2020, halka dowladda Kenya iyo ciidamada qalabka sida aysan soo bandhigin wax ammaan ah.

Qirashada rasmiga ah ee dadka Kenyanka ah ee falka lagu dilay waa taallooyinkii uu Madaxweyne Uhuru Kenyatta u dhagax dhigay maalinta ciidamada Kenya ee sanadlaha ah – dhaqan soo bilowday ka dib markii ay ciidamadu galeen Soomaaliya.

Taallooyinka ku dhexyaala xeryaha ciidamada ayaa waxaa ka dhex muuqda qori, labo kabood iyo koofiyad ay ku dul taal qoriga.

Sidoo kale waxa ay wataan magacyada dadkii lagu dilay la dagaalanka Al-Shabaab, sidaasi darteed waxaa la filayaa in magaca Johnson ole Kiyaipi lagu soo daro. Si kastaba ha ahaatee, xeryahan iyo taallooyinkii ciidamada ee ku dhex yaalay ayaa ah kuwo u xiran dadweynaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dawladda Militariga Burkina Faso oo Sheegtay Inay Fashilisay Isku Day Afgambi

Ilo amni ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in todobaadkii hore la xiray ilaa 12 askari oo ay ku jiraan laba saraakiil ah.

  • Afrika

    23-04-2025

  • 09:07AM

Madaxweyne Ruto oo Booqday Shiinaha Xilli Madaxweyne Trump Canshuurro Dul Dhigay Badeecadaha Afrika

Safarka Ruto ayaa ku soo beegmaya xilli Mareykanku uu dhaqangeliyay canshuur…

  • Afrika

    22-04-2025

  • 07:56PM