Sarkaal kamid ahaa ilaalada Kenyatta hadase xabagta dhuuqa

Image

NAIROBI, Kenya – Nolasha maalin kasta dhinac ayay jirtaa, maalin kastana ciid ma ahan, waa hal-hays ay ku caan-baxeen dadka balse waa xiliyada ay dhibaato soo food-saarto, waxaa kamida Nicholas Langat.

28-sano jirkaan horey uga mid ahaa ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee ildaada madaxwaynaha Kenya ayaa haatan ka shaqeeya jajebinta dhagxaanta si uu uga helo qarash uu ku iibsado moon-dooriye uu qabatimay.

Nicholas ayaa sanadkii 2016-kii shaqada looga joojiyay markii uu ku fashilmay in uu waajibaadkiisa ugu soo laabto waqtiga loo qabtay markaasoo uu booqday xaaskiisa oo Kansar la dhibaatooneysay.

Marwadiisa ayaa ugu dambeyntii u geeriyootay isla sanadkaan xanuunkaasi ay in muddo badan ah la daalaadhaceysay.

Sarkaalka, kaasi oo durbadiiba niyadjab ka qaaday dhimashada xaaskiisa oo kaga tegay gabar labo sano jir, ayaa tan iyo xiligaasi waxa waalidkiisu ay fahmi la'yihiin sida ay wax ka noqdeen.

Aakhritaankii waxa uu kusoo gabagabeeyay nolashiisa oo idil n uu xabagta dhuuqo, isla markaana uu maalinkii oo dhan u shaqeeyo sidii uu u heli lahaayeen maandooriyaha oo uu si wayn u qabatimay.

Warbaahinta Kenya oo hadalheysa mawduuca ninkaan ayaa wareysi uu bixiyay waxa uu ku sheegay Nicholas in uu u baahan yahay xarun dhaqan celin, wuxuuna ka dalbaday dowlada in ay geyso halkaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Zimbabwe ee qorsheynaya inuu xukunka hayo inta ka dhiman cimrigiisa

Hopewell Chin’ono oo ah weriye baaritaanada sameeya isla markaana u ololeeya la dagaallanka musuqmaasuqa.

  • Afrika

    05-04-2026

  • 12:29PM

Midowga Afrika oo Taageeray Hindisaha Shiinaha iyo Pakistan ee lagu joojinayo dagaalka Iran

Wuxuu hoosta ka xariiqay in qaaradda Afrika ay si gaar ah u dareemayso saameynta dhaqaale ee ka dhalatay iska horimaadkan.

  • Afrika

    04-04-2026

  • 11:52AM