Senator reer Nigeria ah: Soomaaliya waa mid, Guinea way khaldan tahay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Senator ka tirsan Aqalka Sare ee waddanka Nigeria ayaa ka fal-celiyey go'aankii ay dowladda federaalka Soomaaliya cilaaqaadka diblumaasiyadeed ugu goysay Guinea.

Axmed Ciise Cawad, wasiirka arrimaha dibadda, ayaa ku eedeyey waddankan dhaca Galbeedka Afrika in uu meel kaga dhacay midnimadda, wadajirka iyo madax banaanida Soomaaliya.

Senator Shehu Sani oo kamid ah xubnaha ugu firfircoon Senate-ka ee waddanka ugu dadka badan qaaradda ayaa si cad wuxuu u garab-istaagay Soomaaliya, isaga oo dhaliil culus kala dhacay Guinea.

"Waa khalad in Guinea ama dal kale oo Galbeedka Afrika ah uu nooc kasta oo aqoonsi ah uu siiyo Somaliland ama qeyb kamid ah Soomaaliya oo gooni u goosad ah," ayuu kusoo qoray bartiisa Twitter-ka.

Talaabada ay dowladda Soomaaliya xiriirka ugu jartey Gini ayaa ka dambeysay markii dalkaasi uu socdaal rasmi ah uu ku tegay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, kaasi oo si heer ah loosoo dhaweeyay.

"Waxaa jirta hal Soomaaliya," ayuu daba dhigay hadalkiisa, isaga oo raaciyey "Kaasi waa mowqifkeena, mana isbedeli doono".

Mudanaha oo sii hadlaya ayaa intaasi ku daray: "Isbedelada Soomaaliya waxa ay leeyihiin mar-xalado, waxayna imaan doonan maalin un, taariikhda.

Hadalkan sharcidejiyahaan oo sidoo kale u olaleeya arrimaha dimoqraadiyadda ayaa imaanaya xili wasiir Cawad uu ka dhawaajiyey in ay jiraan waddamo wada olale halis u ah midnimada Soomaaliya.

Nigeria oo xiriir wanaagsan oo dhinacyo kala duwan leh uu kala dhaxeeyaa Soomaaliya ayaa waxay isku mandiqad kawada tirsan yihiin Guinea, taasoo ah Galbeedka Afrika.

Somaliland ayaa sheegata in ay tahay dal madax banaan tan iyo 1991-dii. Balse caalamka wuxuu u arkaa maamul goboleed hoos-yimaada Soomaaliya. Wasiir ayaana mar kale carabka ku adkeeyay arrintaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM

Ismaaciil Cumar Geelle Oo Markii Lixaad Ku Guuleystay Doorashada Jabuuti

Wax yar kadib markii natiijooyinka hordhaca ah la shaaciyay, Guelleh oo 78 jir ah ayaa ku qoray “Reelected” bartiisa ku taal X.

  • Afrika

    11-04-2026

  • 12:44PM