Shan ruux oo isku qoys ah oo nolasha loogu gubay saaxirnimo

Image

NAIROBI, Kenya - Shan xubnood oo isku qoys ah – Ayeeyadood oo 80-sano jir ahayd, gabadh ay sohod u tahay iyo saddex caruur oo ay dhashay ayaa iyaga oo nool lagu gubay guri ay ka deganaayeen ismaamul gobololeedka Migori ee dalka Kenya.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa sababta loo beegsaday dadkaan ku sheegtay in ay ku caan baxeen sameynta sixirka. Qof kale oo degaanka kamid ah ayaa dhacdadaan ku geeriyooday.

Maritha Amollo, oo 80-sano jir ahayd, Helida Akinya, oo 40-sano jir ahayd iyo saddex caruur ah oo ay dhashay ayaa la gubay markii dad careysan ay dab xoogan qabad-siiyeen hoygooda iyo shan guri kale.

Elijah Dwalo, seyga Maritha iyo sadex xubnood kale oo qoyska ka tirsan ayaa si dirqi ah ku baxsday. Weerarkaan oo ay la an-fafiireen dadka degaanka ayaa dhacay habeenkii Talaalada ee isbuucii hore.

"Waxaan baxsaday aniga oo dhaawac daran oo iga soo gaarey faas leygu dhuftay," ayuu Elijah Dwalo yiri, sida ay kasoo xigatay majaladda The Standard.

Dadka degaanka ayaa sheegaya in weerarkaan u ahaa mid aargoosi ah, maadaama qoyskaan uu sanadkii hore dhibaato ugu geystay khuraafaadkooda reer kale.

Meydka lixda qof ayaa la dhigay goobta lagu keydiyo meydadka ee ku taalla magaaladda Rongo oo ka tirsan isla maamul goboleedkaasi.

Kibet Kirui, sarkaal ka tirsan maamulka magaaladda ayaa ku tilmaamay dambi culus dilka loo geystay lixda ruux, isaga oo shaaciyay in ay wadaan baaris.

"Waa xaqiiqo in dadka la laayey ay isku qoys ahaayeen, kuwa kale oo dhaawac ahna oo isla qoyska ka tirsan waxaa lagu daaweynayaan Isbitaalka," ayuu hadalkiisa kusii daray.

Dwello, kaasi oo soo baxsaday isaga oo xubin ay ka go’an tahay, ayaa lagu daaweynayaan Isbitaalka magaalada Rongo.

"Ma jirto cid aan u soo xirnay falkaan, laakiin baaritaan ayaa socda," ayuu daba dhigay hadalkiisa.

Kenya ayaa ku jirta dalalka dhaca qaaradda Afrika ee sida wayn loogu adeegsado sixirka. Falka lagu bartilmaameedsaday qoyskaasi ayaanan ahayn kii ugu horeeyay, waxaana jira kuwa hore u dhacay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka Carabta oo ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Itoobiya

Imaaraadka ayaa sheegay in xaaladda cusub ay khatar ku tahay midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Itoobiya.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 12:34PM

Aliko Dangote oo dhisaya dhuun shidaal oo Itoobiya iyo Jabuuti isku xiri doonta

Jabuuti ayaa iyaduna ka faa’iidi doonta mashruuca, iyadoo la filayo inay kordhaan shaqooyinka, dhaqdhaqaaqa dekedda iyo dakhliga dowladda.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 05:29AM