Shan waxyaabood oo uu Uhuru sameeyo si uu waqtiga isku dhaafiyo

Image
Image
Image
Image
Image

NAIROB, Kenya – In aan noqoto madaxweyne, si gaar ah marka joogto Kenya, waxay noqon kartaa shaqo adag, waana mid aan mararka qaarkood si ku talogal ah aad ku hareer mari karto maskaxdaada.

Halkaan waxaan idin kugu haynaa shan shey/hawl oo madaxweyne Uhuru Kenyatta uu sameyo marka uusan madaxweynuhu ahayn.

Kaxeynta gawaarida

Kaliya ma ahan in uu madaxtooyada dhexdeeda ku socdaalayo, waxa uu qaadanayaa gaarigiisa isaga oo kusoo dhex-wareega wadooyinka waaweyn ee faras magaaladaha Nairobi.

Wallow ay tani jirto, haddana waxaa jira ilaalo meel sare iyo agagaarkiisa ka waar-diyeyneysa si hadii uu halis wajaho ugu gurmadaan.

Sawir-qaadis

Mid kamida shaqooyinka la is-leeyahay wuu ku haboon yahay Uhuru waa sawir-qaadis, wallow dad badan aysan ogeyn marka laga reebo kuwa adka ugu dhow.

Inta badan waxa uu dhaqdhaqaaqaan ku sameyaa gudaha Aqalka looga arimiyo Kenya, halkaasi oo qaar kamida howlwadeenada uu kula caweeyo xiliyadda uu yahay mid firaaqo ah.

Daawashada duuroogta

Uhuru ayaa aad ugu raaxeysta daawashada duurjoogta. Mid kamida falalkii ugu horeeyay ee uu sameeyay isaga oo madaxweyne ah ayaa ah in uu Madaxtooyada taalo weyn oo ka sameysan arrintaasi.

Kenya waxaa mamnuuc ka ah in la ugaarsado ama la dilo duurjoogto, arrintaasi oo maxkamada ugu sareysay ay go’aan adag kasoo saartay.

Waqti la qaadashada qoyska

Madaxweynuhu waa nin aad ugu xoogan dhanka qoyska, xitaa waxa uu daaha ka rogay in caruurtiisa aysan kula nooleyn madaxtooyadda.

Uhuru waxa uu la nool-yahay xaaskiisa tan iyo markii ubadkiisa ay dibada aadeen. Intii uu qurba jooga ahaa, waxa uu dadka siin jiray talooyin muhiim ah.

Mid kamida talooyinka wax ku oolka ah ayaa ah in uu lamaaneyaasha ku tartarsiin jiray in ay ka fogadaan khilaafka, hadii uu yimaadana ay dhexdooda xaliyaan.

Kulanka dadweynaha

Marka uusan Madaxtooyadda joogin, Uhuru ayaa la sheegaa in uu aad ugu raaxeysto la kulanka dadweynaha gaar ahaan caruurta.

Kaftan iyo sawirro kala duwan oo uu la galo goobaha Ubadka la geeyo ayaa inta badan dhacda, waana howl-maalmeedkiisa marka uusan madaxweyne aheyn.

Sikastaba ha ahaatee, dad Soomaaliyeed oo aad u badan ayaa laga yaabaa in ay jeclaan lahaayeen in ay ogaadaan waxay qabtaan madaxdooda marka aysan shaqada lahayn ama arrimaha ay waqtiga isku dhaafiyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM