"Shirqool balaaran" oo ka dhan ah Madaxtooyadda Ghana oo la fashiliyey

Image

ACCAR, Ghana – Dowladda Ghana ayaa ku dhawaaqday in ay fashilisay "shirqool balaaran" oo la doonayey in lagu beegsado Madaxtooyadda dalkaas.

War-saxaafadeed ay Talaadada maanta ah baahisay Wasaaradda Warfaafinta ayaa sidoo kale lagu xusay in "dhagartaas la doonayey in lagu abuuro xasilooni darro".

Bayaanka oo warbaahinta loo diray ayaa waxaa lagu sheegay in lagu soo xiray saddex ruux oo looga shakisan yahay falkan.

Shaqsiyaadkaas oo lagu qabtay waxaa la tilmaamay in ay xiriir la leeyihiin koox siyaasadeed magaceedu yahay Take Action Ghana.

"Dadka lasoo xiray waxaa ku jira ruux ka shaqeeya sameynta hubka," ayaa lagu yiri warka qoraalka ah oo Wasaaraddu baahisay.

Qaraxyo iyo hubka nooca fudud ayaa kamid ah waxyaabaha xubnahan lagu soo qabtay, kuwaasi oo dowladda gacanta ugu jira.

Saddex qof ayaa wajahaya baaritaano ku saabsan eedeymaha loosoo xiray, iyaga oo kadib lasoo taagi doono maxkamad si ay cadaaladda u wajahaan.

"Dowladda Ghana way sii wadi doontaa dedaaladeeda xasilinta dalka iyo ka difaacitaanka kooxaha argagixisadda ah," ayaa lagu soo xiray warka qoraalka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM