Shirqool khaarijin ah oo "loo maleegay" madaxweyne ku xigeenka Kenya

Image

NAIROBI, Kenya – Qaar kamid ah saxaafada waddanka Kenya ayaa qoreysay in madaxweyne ku xigeenka dalkaasi, William Ruto, loo maleegay isku day la doonayo in lagu khaarijiyo.

Wargeyska The Star oo sheekadan daaha ka rogay ayaa tilmaamay in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu amar bixiyey in la baaritaano dhab ah lagu sameeyay shirqoolkaasi.

Jaraa'idka oo soo xiganaya illo wareedyo uusan magacaabin ayaa warinaya in arrintaan si gaar ah loogu eedeeyay xogheynta golaha wasiiradda Kenya, taasi oo aanan wali ka jawaabin.

Xogheynta iyo Ruto ayaa waxaa la sheegayaa in uu ka dhaxeeyo xifaaltan siyaasadeed, kaasi oo mudooyinkii dambe banaanka yimid.

Joornaalka Daily Nation ayaa ku waramaya in Uhuru uu arrintaan u qaatay "mid dhab ah" isla markaana uu ku tartarsiiyey Waaxda Dambi Baarista in ay dabagasho sheegashadan.

Ruto, sikastaba ha ahaatee, illaa iyo haatan kama uusan jawaabin wararka sheegaya in la isku dabariday isku dayo nolosha lagu dhaafinayo.

Aamustan madaxweyne ku xigeenka ahna ra'iisul wasaaraha Kenya, ayay saxaafada ku macneysay mid nidaamka baaritaanka ka dhigeysa mid aanan dhameystirneyn.

Hadal-heynta warka oo ku baahdey dalka Geeska Afrika dhaca ayaa kusoo aadeysa iyadda oo guud ahaan wadanka laga dareemayo olale doorasho oo horleh kuna aadan coddeynta 2020-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM

Ismaaciil Cumar Geelle Oo Markii Lixaad Ku Guuleystay Doorashada Jabuuti

Wax yar kadib markii natiijooyinka hordhaca ah la shaaciyay, Guelleh oo 78 jir ah ayaa ku qoray “Reelected” bartiisa ku taal X.

  • Afrika

    11-04-2026

  • 12:44PM