Shirqool khaarijin ah oo "loo maleegay" madaxweyne ku xigeenka Kenya

Image

NAIROBI, Kenya – Qaar kamid ah saxaafada waddanka Kenya ayaa qoreysay in madaxweyne ku xigeenka dalkaasi, William Ruto, loo maleegay isku day la doonayo in lagu khaarijiyo.

Wargeyska The Star oo sheekadan daaha ka rogay ayaa tilmaamay in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu amar bixiyey in la baaritaano dhab ah lagu sameeyay shirqoolkaasi.

Jaraa'idka oo soo xiganaya illo wareedyo uusan magacaabin ayaa warinaya in arrintaan si gaar ah loogu eedeeyay xogheynta golaha wasiiradda Kenya, taasi oo aanan wali ka jawaabin.

Xogheynta iyo Ruto ayaa waxaa la sheegayaa in uu ka dhaxeeyo xifaaltan siyaasadeed, kaasi oo mudooyinkii dambe banaanka yimid.

Joornaalka Daily Nation ayaa ku waramaya in Uhuru uu arrintaan u qaatay "mid dhab ah" isla markaana uu ku tartarsiiyey Waaxda Dambi Baarista in ay dabagasho sheegashadan.

Ruto, sikastaba ha ahaatee, illaa iyo haatan kama uusan jawaabin wararka sheegaya in la isku dabariday isku dayo nolosha lagu dhaafinayo.

Aamustan madaxweyne ku xigeenka ahna ra'iisul wasaaraha Kenya, ayay saxaafada ku macneysay mid nidaamka baaritaanka ka dhigeysa mid aanan dhameystirneyn.

Hadal-heynta warka oo ku baahdey dalka Geeska Afrika dhaca ayaa kusoo aadeysa iyadda oo guud ahaan wadanka laga dareemayo olale doorasho oo horleh kuna aadan coddeynta 2020-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Museveni oo hoggaanka u haya doorashada Uganda, mucaaradka oo cabanaya 

Suxufiyiin maxalli ah ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay ka hor istaageen inay gaaraan guriga Bobi Wine ee xaafadda Magere ee Kampala.

  • Afrika

    17-01-2026

  • 12:35PM

Doorashada Uganda: Madaxweyne Museveni oo Raadinaya Markiisii 7-aad

Doorashada ayaa ku bilaabatay jawi kacsan, waxaana la soo sheegayaa in meelaha qaar laga jaray adeeggii internet-ka.

  • Afrika

    15-01-2026

  • 11:56AM