Sida Al-Shabaab ku xag-jireyso dhalinyarada Kenya oo la ogaadey [Akhri Xog muhiim ah]

Image

NAIROBI, Kenya - Wargeyska "The Kenyans" ayaa soo bandhigay qaababka kala duwan ee ay u isticmaasho Al-Shabaab xag-jireynta dhalinyarada u dhashay dalka Kenya, ee kusoo biirinayso safafka dagaalka ay kawado gobolka Geeska Africa.

 - Shaqo mushahaar fiican -

Al-Shabaab ayaa u sameyso dhalinyarada balan-qaadyo kala duwan, oo ay baraha bulshada uga soo bandhigta shaqooyin mushahaaro fiican ku bixinayso gudaha Somalia.

Dhalinyarada ayaa marka ay yimaadaan Somalia la kulma wax ka duwan balan-qaadkii loo sameeyay, iyagoo la geeyo xeryaha tababarka kadibna halkaasi lagu askareeyaa.

 - Baraha Bulshada [Social media] -

Kuwa dhalinyarada u qora Al-Shabaab waxay geliyaan baraha bulshada ee Internet-ka shaqooyin banaan, oo dhalinyarada Kenya kuwa baagamuundada ah soo codsada, kuwaasoo loo soo safriyo dhinaca dalka Somalia.

 - Dagaalyahanada kasoo laabta Somalia -

Xubnaha katirsan Al-Shabaab ee kasoo jeeda Kenya ayaa markii ay tababarka qaataan ee kadibna ku laabtaan dalkooda ayaa loo adeegsadaa inay ka dhaadhiciyaan dhalinyarada ay saaxiibada ahaayeen inay ku biiraan Al-Shabaab.

Inta badan dhalinyaradan ayaa laga soo qoraa magaalooyinka xeebta ku yaalla ee Kenya, gaar ahaan Mombasa iyo Kwale, meelahaas oo la rumeysan yahay inay qaar kamid ah kuwii weeraray Dusit D2 hotel ay ka yimaadeen.

- Afduubka -

Wargeyska ayaa sidoo kale in mararka qaar dhalinyarada Kenya laga soo afduubo guryahooda. Tani ayaa dhacda marka ay diidaan inay la shaqeeyaan kuwa dadka u qora Al-Shabaab.

 - Waxbarasho diimeed -

Arrinta kale ee caanka ayaa ah in dhalinyarada Muslimiinta ah ee u dhashay Kenya ay ka doontaan madaxda degaanada ay ku nool yihiin waqrad u ogolaanaysa inay cilmiga barashada diinta ah u aadaan meelo kale oo ka baxsan dalkooda.

Waxay kadib soo galaan Somalia, iyagoo u gacan gala Al Shabaab, waxaana la geeyaa xeryo oo labo sano lagu siiyaa tababar ciidan, iyadoo markii ay dhameystaan la dagaalgeliyo.

Al-Shabaab ayaa gudaha Kenya ka aas-aastay sanado kahor garab uga dagaalama, kaasoo ay hogaaminayaan rag u dhashay dalkaasi, oo tababar ku qaatey gudaha Somalia. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Tanzania oo Gabadheeda iyo Ninkeeda kusoo dartay Gollaha Wasiiradda

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa magacaawday ninka Wanu Hafidh Ameir, Mohamed Mchengerwa, inuu noqdo Wasiirka Caafimaadka.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 05:13PM

Gabdho laga afduubey Iskuul ku yaalla dalka Nigeria 

Dadka deegaanka ayaa aad uga walaacsan amniga carruurta waxbarata iyo in weerarradan oo kale ay sii badanayaan.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 08:16AM