Sidee ayay Xildhibaano uga taajireen sameynta lacag been abuur ah?

Image

NAIROBI, Kenya - Saraakiisha dambi daarista dalka Kenya ayaa lagu waramaaa gacanta ku haya kiis ku aadan mas'uuliyiin ay ku jiraan xildhibaano oo ka taajiray sameynta lacag been abuur ah.

Tirada wadarta guud ee mudanayaasha ayaa la sheegay in ay gaareyso 20, inkasta oo eedayntaasi ay ku wehliyaan ganacsato caan ah, kuwaasi oo aanan wali lasoo bandhigiin magacyadooda.

Sidda laga soo xigtay warbaahinta, xubnaha la tuhunsan yahay in ayaa markii ay sameeyeen lacagahaasi waxay geliyeen suuqa iyaga oo ku maal-geliyay dhinacyada; dalxiiska iyo huteelo qaali ah.

Magaalooyinka ay ku maal-gishteen waxaa kamid ah; Parklands, Kilimani, Lavington iyo Eastleigh oo caan ku ah ganacsiga, isla markaana dadka ku nool ay Soomaali ku kamid yihiin.

Sarkaal ka tirsan waaxda dambi baarista ayaa shaaciyay in sidoo kale ay jiraan shaqsiyaad lagu dhacay lacagahaasi been abuurka ah, isla markaana looga qaatay agabyo iyo lacago kale oo kaash ah.

"Wali waxaanu wadnaa baarista marka aan soo gabagabeyno, waxaana dacwad kusoo oogi doonaa xubnaha aan tuhmeyno si ay cadaalada u wajahaan," ayuu yiri sarkaalka oo aan magaciisa la shaacin.

Shacabka ayaa rajo xumo ka muujinaya in mas'uuliyiinta iyo ganacstada ay la kulmaan maxkamadeyn, maadaama ay awoodsan karaan shaarka dowlada iyo cudad dhaqaale oo ay ku majaxaabiyaan hay’addaha garsoorka.

Kenya ayaa kamid ah wadamada musuq-maasuqa iyo ku lunsashada hantida dowlada ay ku badan tahay, inkasta maxkamad loosoo taago kuwa laga shakisan yahay, haba iska yaraatee.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Zimbabwe ee qorsheynaya inuu xukunka hayo inta ka dhiman cimrigiisa

Hopewell Chin’ono oo ah weriye baaritaanada sameeya isla markaana u ololeeya la dagaallanka musuqmaasuqa.

  • Afrika

    05-04-2026

  • 12:29PM

Midowga Afrika oo Taageeray Hindisaha Shiinaha iyo Pakistan ee lagu joojinayo dagaalka Iran

Wuxuu hoosta ka xariiqay in qaaradda Afrika ay si gaar ah u dareemayso saameynta dhaqaale ee ka dhalatay iska horimaadkan.

  • Afrika

    04-04-2026

  • 11:52AM