Siduu Soomaaliya ku yimid ninkii isku dabariday weerarkii Dusit hotel?

Image

NAIROBI, Kenya - Laamaha amniga ee Kenya ayaa rumeysan in Cali Saalim Gichung uu ahaa maskaxdii isku daba riday weerarkii 15-ka bishii hore ee Janaayo lagu beegsaday Hotel-ka DusitD2 ee Galbeedka magaalada Nairobi.

Xogo sirdoon ayaa sheegaya in Gichung iyo saaxiibadiisa howlgalka la fuliyay ay tababar kusoo qaateen gudaha Soomaaliya.

Sakiina Maryan Cabadalla, hooyada dhashay Cali Saalim, taasi oo loo haysto dacwad ah in aysan u sheegin Booliska halka uu wiilkeeda joogo, ayaa maxkamad lasoo taagey Jimcadii, inkasta ay sheegtay inaanu dambi gelin.

Qoyskaan ayaa ku noolaa magaalada Isiolo ee bariga Kenya.

Marwo Cabdalla ayaa u sheegtay baarayaasha in wiilkeeda uu ka shaqeynayey xarun lagu kireeyo Internet-ka, halkaasi oo uu gunno ahaan uga heli jiray bishii 5,000 oo lacagta Kenya ah oo u dhigan 50-dollar.

Gichunge ayaa kolkii dambe la kulmay shaqsi kale oo aanan wali la magacaabin, kaasi oo u balanqaaday in uu ka shaqaaleysiin doono xarun kale oo ku taallo magaalada Mombasa, sida ay hooyadiisu sheegtay.

Sanadkii 2014-kii ayuu si rasmi ah uga shaqo bilaabay xarunta cusub oo iyadana lagu kireeyo internet-ka.

Markii ugu dambeysay ee uu lasoo hadlo hooyadiisa waxay ahayd 2016-kii, isaga oo ku war-geliyay deeq waxbarasho oo uu ke halay magaalada Muqdisho, caasimada dalka Soomaaliya.

Deeqda waxbarasho ee uu sheegtay ayaa ahayd in uu soo baranayo Diinta.

"Markaasi waxay ahayd markii ugu dambeysay oo ay maqasho intii uu weerarkani ka dhacay," ayaa laga soo xigtay dacwad-oogayaasha.

Sida laga soo xigtay warbaahinta maxaliga ah ee Kenya, Cali iyo saaxiibadiisa weerarka fuliyay kuwaasi oo uu meydadkooda loo qaaday Mareykanka ayaa tababarka ku qaatey gobolada Jubooyinka ee koonfurta Soomaaliya.

Shaqaaleysiin, mushaar qaali ah iyo balanqaadyo kale ayaa la wariyey in ay kamid yihiin arrimaha ay Al-Shabaab kusoo jiidato dhalinyarada Kenya oo u badan da’yar aan haysan shaqo abuur.

Tan iyo markii uu dhacay weerarkii DusitD2, Kenya ayaa sare u qaaday amaanka dalkeeda, iyada oo ciidamada la dagaalanka argagaxisada ay soo qab-qabteen shaqsiyaad lala xiriirinayo oo lagu wado in maxkamad lasoo taago.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Zimbabwe ee qorsheynaya inuu xukunka hayo inta ka dhiman cimrigiisa

Hopewell Chin’ono oo ah weriye baaritaanada sameeya isla markaana u ololeeya la dagaallanka musuqmaasuqa.

  • Afrika

    05-04-2026

  • 12:29PM

Midowga Afrika oo Taageeray Hindisaha Shiinaha iyo Pakistan ee lagu joojinayo dagaalka Iran

Wuxuu hoosta ka xariiqay in qaaradda Afrika ay si gaar ah u dareemayso saameynta dhaqaale ee ka dhalatay iska horimaadkan.

  • Afrika

    04-04-2026

  • 11:52AM