Siduu u dhacay shilkii diyaaradeed ee uu ku dhintay duuliyihii Ruto?

Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya - Ugu yaraan shan ruux ayaa ku geeriyootay markii shil diyaaradeed uu ka dhacay gobolka Turkana ee dalka Kenya.

Dadka dhintay waxaa kamid ah duuliyihii diyaradda Helicopter-ka ee uu leeyhay Madaxwayne ku xigeenka Kenya, William Ruto, kaasi oo lagu magacaabi jiray Mario Magonga.

Afarta qof ee kale ayaa la sheegay inay ahaayeen dalxiisayaal Ameerikaan ah, kuwaasi tamashleyn ugu socday harada Lake Turkana Central Island ee isla gobolkaasi

Wali lama xaqiijin goorta uu shilku dhacay iyo sababta dhabta ah ee ka dambeysa burburka diyaaradda, iyada ay mamnuuc tahay in habeenkii ay duusho diyaarad.

Diyaaradda burburtay ayaa ahayd nooca qumaatiga u kacda ee loo yaqaano Helicopter. Magonga ayaana ahaa duuliyaha gaarka ah Madaxwayne ku xigeenka Kenya, William Ruto.

Sawirro iyo muuqaalo laga soo qaaday goobta uu shilku ka dhacay ayaa muujinaya in gabi ahaanba diyaarada ay burburtay.

Khuburada duulista hawada ayaa tilmaamaya in burburka diyaaradda ay keentay kadib cilad farsamo oo ku timid, inkasta oo aan la hubin waxay ahayd.

Mas'uuliyiinta gobolka ayaa shaaciyay in ay baaritaan ku bilaabeen waxa dhaliyay shilka, iyagoo diiday in ay fahfaahin ka bixiyaan dhacdadaan sida ay ku timid.

Ma ahan markii ugu horeysay oo shil diyaaradeed uu ka dhaco Kenya, inkasta oo in-dhowaanahaan aanan lasoo warin dhacdooyinka noocaan ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM