Sirta ku duugan in nin Itoobiyaan 108-sano jir ah uu da'yar u muuqdo

Image

ADDIS ABABA - Askari horey uga mid ahaa ciidamada Itoobiya ayaa qabsadey baraha bulshada kadib markii uu shaaciyay da'diisa, oo dadku ay rumeysan waayeen, maadaama muuqaalkiisa uu u muuqdo qofa dhalinayaro ah.

"Waxaan doonayaa in aan kusii joogo muuqaal wanaagsan 10-ka sano ee soo socota," ayuu yiri nin Itoobiyaan ah 108-sano jir ah.

Rejal Umer, korneyl, kaasi oo dhashay 1911-dii, ayaa u muuqda in uu ka yar-yahay da’da uu haatan jiro.

"Qofna ima imaaneyso marka aan ka hadlayo da’deyda," ayuu u sheegay wakaalada wararka u faafisa Addis Abab ee FBC.

Umer ayaa ka sheekeynaya mid kamid ah dhibaatooyinkii uu la kulmay markii laga shakiyay da’da uu sheegtay xili dalbaday howlgabnimo.

"Berri ayaa lay xiray isbuuc markii aan codsaday howlgalnimo aniga oo ka shaqeynaya wasaarada shaqaalaha iyo arrimaha bulshada, markaasi oo laygaga shakiyay in aan ka been-sheegayo da’deyda," ayuu raaciyay.

Tirada caruurtiisa ma yaqaano

Sida caadada ah qofka marka ay sare u kacdo da’diisa shaki la’aan waxaa hoos u dhacaya fahamkiisa iyo xasuustiisa, waana tan haysta Umer.

Askarigaan hore waxa uu sheegaya marka laga reebo 12 mooyee inaanu si dhab ah u sheegi karin cadadka ilmahiisa.

"Ma sheegi karo tirada saxda ah ee caruurteyda marka laga reebo 12-ka iigu wayn," ayuu hadalkiisa ku daray.

Cunto bisil ma cuno

Sida lagu yaqaano da’da beni’aadamka ahi, waxa ay adeegsadaan cuno bisil ama la kariyey, waana mid kamid ah astaamaha ay xayawaanku uga duwan yihiin.

Hasa yeeshee, Rejal waligiis ma aanu cunin cuno bisil balse waxa uu joogteeyay jimicsiga, isaga oo ka fogaadey Sigaarka iyo mukhaadaraadka kale.

Ma'ahan layaab maxaa yeelay dadka Itoobiyaanka ah qaarkood waxay ku raaxeystaan cunitaanka raashiinka ceyriinka ah.

Isagu waxa uu askari ahaa maamulkii boqor Haile Selassiem, waxa uu kamid ahaa howlgalkii nabad-ilaalinta ee Rwanda.

Aabihiis wuxuu ku dhintay 130-jir

Inkasta oo wax kasta oo ku saabsan nolasha aadanaha la diiwaan-geliyay markii uu kownka kusoo biirayay hadana sheekooyinka qaar waa cajiib.

Hadana tan Umer waxay tahay mid soo jiidatey indhaha dad badan, sababta oo ah waxaa ku xeen-daaban arrimo xiiso leh.

Waxaa kamid ah in Aabihiisa uu geeryooday isaga oo jira 130-sano ah, isaga oo hiigsanaya in uu intaasi ama ka badanuu gaaro.

"Aabahey wuxuu ku geeryooday 130-sano jir, anna waxaan rabaa in aan ku noolaado muuqaal fiican tobbanka sano ee soo aadan," ayuu kusoo xiray hadalkiisa Rejal Umer, korneyl hore oo ciidamada Itoobiya ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya oo sheegtay in ay sii wadi doonto la dagaalanka kooxda AS

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Itoobiya ayaa ku adkeystay in ay doorkooda difaacan doonan.

  • Afrika

    16-11-2024

  • 07:36AM

Itoobiya oo si weyn uga carootay hadal kasoo yeeray dowladda Suudaan

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa muujisay "sida ay uga xun tahay" hadalkaas.

  • Afrika

    15-11-2024

  • 07:45AM