Sohdinta dalalka Soomaaliya iyo Kenya oo dib loo furayo

Image
Maamulkii Farmaajo ayaa meel hoose gaarsiiyey cilaaqaadka diblumaasi ee labada dal.

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta oo kamid ah madaxda ka qeyb-gashay xafladda caleemo-saarka ee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa khudbad uu ka jeediyay ku sheegay inay furayaan xudduuda Soomaaliya iyo Kenya.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sidoo kale tilmaamay in horumarka Kenya uu ku xiran yahay horumarka Soomaaliya, maadama ay yihiin labada dal oo deris ah.

“Kenya waa walaal aad ku tashan kartaan,” ayuu yiri Uhuru Kenyatta oo khudbad ka jeediyay xafalada caleemo-saarka madxaxweynaha Soomaaliye, Xasan Sheekh Maxamuud.

Kenya ayaa kamid aheyd dalal uu xiriirka Soomaaliya kala dhaxeeya uu si weyn u xumaaday intii uu tallada dalka hayay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dowladda Soomaaliya ee xiligaan uu hogaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa meesha ka saareysa siyaasadiisa kala jecleysiga ee lagu saleynayay xiriirka arrimaha dibedda.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa markale isla unkumaya xiriir diblumaasiyadeed wanaagsan, ayada oo labada dhinac ay muujiyeen niyad-sami iyo inay diyaar u yihiin ka wada-shaqeynta danaha labada dal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabhadda Tigray oo sheegtay inay dishay in ka badan 1,500 askari oo Itoobiyaan ah

Dowladda Itoobiya iyo milatarigeeda ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin tirada khasaaraha ay jabhaddu sheegtay.

  • Afrika

    21-10-2026

  • 06:06AM

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM