Soomaali u sharaxan guddoonka Baarlamaanka Kenya

Image

NAIROBI, (GO) - Xildhibaan Faarax Macalin Dawaaraa oo laga soo doortay degmadda Dhadhaab ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa ka mid ah musharixiinta guddoonka baarlamaanka Kenya oo dhowaan yeelanaya kulankiisii koowaad tan iyo intii dib loosoo doortay.

Faarax ayaa isu diiwaangaliyay kursiga guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka oo uu horey usoo qabtay intii u dhaxaysay 2008 illaa 2013.

Mudane Dawaaraa oo muddo 10 sano ah ka maqnaa siyaasadda ayaa dib usoo xaqiijiyay kursigiisii baarlamaanka isaga oo kusoo galay xisbiga Wiper.

Fursadaha Faarax ayaa waxaa sare u qaadi kara in isbahaysigiisa Azamio la Omoja uu aqlabiyad ku leeyahay Baarlamaanka, sidoo kalena kursiga guddoomiyaha uu tartankii ka haray hoggaamiyaha xisbiga Wiper ee uu Faarax ka tirsanyahay, waa Kalonzo Musyoka 

Xildhibaanka ayaa ah shaqsi si weyn caan uga ah siyaasadda Kenya, isaga oo todobaadyadii lasoo dhaafay si weyn uga soo muuqanayay taleefishinada dalkaasi, wareysiyo uu bixiyayna ku muujiyay sida loogu baahanyahay midnimo siyaasadeed.

Inkasta oo lagu kala baxay kursigii madaxweynaha, haddane loolanka ugu adag wuxuu ka dhacayaa guddoonka baarlamaanka.

Dhanka isbahaysiga Kenya Kwansa ee Ruto waxaa u sharaxan guddoomiyaha baarlamaanka Moses Watangula oo ahaan jirey wasiirkii arrimaha dibedda, balse waxaa hadda muran ka taaganyahay sida laga yeelayo kursiga Aqalka Sare ee uu hadda ku fadhiyo, iyada oo lasoo jeedinayo in ay tahay in uu marka hore iska casilo xilkaasi.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Jabhadda Tigray oo sheegtay inay dishay in ka badan 1,500 askari oo Itoobiyaan ah

Dowladda Itoobiya iyo milatarigeeda ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin tirada khasaaraha ay jabhaddu sheegtay.

  • Afrika

    21-10-2026

  • 06:06AM

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM