Soomaali u sharaxan guddoonka Baarlamaanka Kenya

Image

NAIROBI, (GO) - Xildhibaan Faarax Macalin Dawaaraa oo laga soo doortay degmadda Dhadhaab ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa ka mid ah musharixiinta guddoonka baarlamaanka Kenya oo dhowaan yeelanaya kulankiisii koowaad tan iyo intii dib loosoo doortay.

Faarax ayaa isu diiwaangaliyay kursiga guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka oo uu horey usoo qabtay intii u dhaxaysay 2008 illaa 2013.

Mudane Dawaaraa oo muddo 10 sano ah ka maqnaa siyaasadda ayaa dib usoo xaqiijiyay kursigiisii baarlamaanka isaga oo kusoo galay xisbiga Wiper.

Fursadaha Faarax ayaa waxaa sare u qaadi kara in isbahaysigiisa Azamio la Omoja uu aqlabiyad ku leeyahay Baarlamaanka, sidoo kalena kursiga guddoomiyaha uu tartankii ka haray hoggaamiyaha xisbiga Wiper ee uu Faarax ka tirsanyahay, waa Kalonzo Musyoka 

Xildhibaanka ayaa ah shaqsi si weyn caan uga ah siyaasadda Kenya, isaga oo todobaadyadii lasoo dhaafay si weyn uga soo muuqanayay taleefishinada dalkaasi, wareysiyo uu bixiyayna ku muujiyay sida loogu baahanyahay midnimo siyaasadeed.

Inkasta oo lagu kala baxay kursigii madaxweynaha, haddane loolanka ugu adag wuxuu ka dhacayaa guddoonka baarlamaanka.

Dhanka isbahaysiga Kenya Kwansa ee Ruto waxaa u sharaxan guddoomiyaha baarlamaanka Moses Watangula oo ahaan jirey wasiirkii arrimaha dibedda, balse waxaa hadda muran ka taaganyahay sida laga yeelayo kursiga Aqalka Sare ee uu hadda ku fadhiyo, iyada oo lasoo jeedinayo in ay tahay in uu marka hore iska casilo xilkaasi.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Lix Muwaadin oo u dhashay Morocco oo Puntland sii daysay oo dalkooda dib ugu laabtay

Raggan ayaa markii hore lagu qabtay buuraleyda Cal-miskaat ee gobolka Bari ee Puntland bilowgii sannadkii 2024.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 12:19PM

Iskaashi Siman: Faransiiska oo Afrika ugu Deeqay $27 Bilyan oo Maalgashi ah

Waa shirkii ugu horeeyay oo Faransiiska ku qabto dal aan Luuqadda Faransiiska looga hadlin, oo kamid ahayn kuwa uu soo gumeystay.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 11:23AM