Soomaaliya oo ogolaatay in ay xayiraado ka qaado qaadka Kenya

Image
Dowladdii hore ee Madaxweyne Farmaajo ayaa muddo labo sano ah ku soo rogtay Qaadka ka imaan jiray dalka Kenya.

NAIROBI, Kenya – Dowladda Soomaaliya ayaa ogolaatay in qaadka laga keeno dalka Kenya laga qaado xayiraadii saarneyd mudada labada sano ah, kadib markii labada dal ay gaareen heshiis ganacsi, sida uu warbaahinta u sheegay wasiirka beeraha Kenya.

Talaabadan ayaa timid kadib markii Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu Khamiistii ka qeyb galay caleema saarka Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Dowladii hore ee Madaxweyne Farmaajo ayaa muddo labo sano ah ku soo rogtay Qaadka ka imaan jiray dalka Kenya. Farmaajo gabi ahaanba ma mamnuucin qaadka balse waxaa qandaraas ku siiyay ganacsatadu in ay kaligeed ka soo dejiyaan Itoobiya.

Dowladda Madaxweyne Xassan ayaa wali ka hadlin qaadista xayiraada iyo dadka qandaraaska lagu siiyay Qaadka laga keeni jiray dalka Kenya.

Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta oo kamid ah madaxda ka qeyb-gashay xafladda caleemo-saarka ee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa khudbad uu ka jeediyay ku sheegay inay furayaan xudduuda Soomaaliya iyo Kenya.

Kenyatta ayaa sidoo kale tilmaamay in horumarka Kenya uu ku xiran yahay horumarka Soomaaliya, maadama ay yihiin labada dal oo deris ah.

“Kenya waa walaal aad ku tashan kartaan,” ayuu yiri Uhuru Kenyatta oo khudbad ka jeediyay xafalada caleemo-saarka madxaxweynaha Soomaaliye, Xasan Sheekh Maxamuud.

Kenya ayaa kamid aheyd dalal uu xiriirka Soomaaliya kala dhaxeeya uu si weyn u xumaaday intii uu tallada dalka hayay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lix Muwaadin oo u dhashay Morocco oo Puntland sii daysay oo dalkooda dib ugu laabtay

Raggan ayaa markii hore lagu qabtay buuraleyda Cal-miskaat ee gobolka Bari ee Puntland bilowgii sannadkii 2024.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 12:19PM

Iskaashi Siman: Faransiiska oo Afrika ugu Deeqay $27 Bilyan oo Maalgashi ah

Waa shirkii ugu horeeyay oo Faransiiska ku qabto dal aan Luuqadda Faransiiska looga hadlin, oo kamid ahayn kuwa uu soo gumeystay.

  • Afrika

    12-05-2026

  • 11:23AM