South Sudan: In ka badan 50 qof oo lagu dilay isku-dhac qabiil

Image
Qaramada Midoobay ayaa ka digtey qulqulatooyinkan todobaad kahor inta aysan dhicin.

JUBA, South Sudan - Iska horimaadyo qowmiyadeed ayaa sababay dhimashadda in ka badan 56 qof afartii maalmood ee lasoo dhaafay gudaha Koonfurta Suudaan gaar ahaan bariga gobolka Jonglei.

Isku-dhaca ayaa yimid kaddib markii dhallinyaro ka tirsan beesha Nuer ay weerar ku qaadeen qowmiyad kale, sida uu sheegay sarkaal maxalli ah oo ay soo xigatay warbaahinta caalamka.

Dhulka Koonfurta Suudaan oo xornimada ka qaatay Suudaan sannadkii 2011-kii ayaa waxaa muddo tobanaan sano ah ka taagnaa colaado dhiig iyo colaado isugu jira oo la xiriira xoolaha iyo dhulka.

"Dhalinyaro hubaysan ayaa bilaabay inay weeraraan beesha Murle 24-kii Disembar ee ismaamulka Gumuruk iyo ismaamulka Likuangole," ayuu yiri Abraham Kelang, oo ah sarkaal ka tirsan dowlada.

Kelang OO khadka taleefanka ugu waramay Reuters Talaadadii ayaa ku daray: "Dowladdu waxay maareyneysaa inay caawiso beelaha, laakiin dagaalku weli wuu socdaa".

Todobaadki hore, howlgalka nabad ilaalinta Qaramada Midoobay (UNMISS) ayaa shaaca ka dhigay in dhalinyarada Nuer ee hubeysan loo abaabulayo ka hor duulaan ka dhan ah Murle.

UNMISS waxay carabka ku adkeysay inay la socoto xiisadaha iyo rabshadaha sii xoogaysanaya, waxayna xoojiyeen roondada ay ka sameynayaan goobaha ay dhibaatadu ka dhacday iyo goobaha ku teedsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo Salva Kiir kala hadlay xaaladda South Sudan

Taliyayaasha dowladdu waxa ay qaar ka mid ah la haysteen marka koox loo yaqaan 'White Army' ay weerareen qaybo ka mid ah dalka.

  • Afrika

    10-03-2025

  • 02:27PM

QM: Ciidamada Eritrea waxay gobolka Tigray kasii wadaan Xadgudubyada Xuquuqda Aadanaha

“Xorriyadda iyo mas'uuliyad darrada ayaa sii xoojineysa kuwa geysta xadgudubyada xuquuqda aadanaha,” ayey tiri Brands-Kehris.

  • Afrika

    01-03-2025

  • 02:46PM