Suudaan oo "ka aargoosatay" Itoobiya xilli xiisad sii cuslaatay

Image
Xasarada oo ku bilaabatay dagaal afka ah ayaa u muuqatay in ay isku badashay gacan ka hadal.

KHARTUUM, Suudaan - Hogaamiyaha militariga Abdel Fattah al-Burhan ayaa sheegay in dalkiisa uusan "aan la cabsi gelin karin ama gadaal loo celin karin," sidda ay kasoo xigatay warbaahinta maxaliga ah.

Hadalkan ayuu sheegay mar uu booqasho ku tagay xadka Khartuum iyo Addis Ababa halkaas Suudaan ay Itoobiya ay ku eedeysay dilka todobo askari iyo dad rayid ah "waliba si bareer ah".

Itoobiya ayaa si rasmi ah isaga fogeysay eedeymahaas kuna tilmaamtay kuwa aanan waxba ka jirin oo salka ku haya "eedeyn xaalad abuur ah oo waqtigan aanan loo baahneyn".

Socdaalkan ayaa kusoo hagaagaya xilli ciidamadda Suudaan ayaa Talaadada maanta ah weerar saf ballaaran ah ku qaaday askarta Ethiopia ee ku haray gudaha degaanka lagu muransan yahay ee Al Fashaga.

Ciidanka ayaa waxay dib ula wareegeen dhulkii, sidda ay ku warantey Sudan Tribune. Falkan wuxuu u muuqdaa aargoosi maadaama Khartuum ay dhowaan Addis Ababa ku eedeysay dilka askar iyo shacab.

Xiisadda u dhexeysa Suudaan iyo Itoobiya ayaa sare u kacday sannadihii u dambeeyay, sababtoo ah qulqulka colaadda ee waqooyiga gobolka Tigray ee Itoobiya iyo dhismaha biyo xireenka weyn ee Itoobiya ay ka dhiseyso webiga Blue Nile.

Masar ayaa kula safan Suudaan xiisadda wabiga Nile taasoo si weyn looga cabsi qabo in ay isku badasho dagaal toos ah oo haddii uu dhaco si weyn u saameyn doona gobolka oo dhan.

Tobanaan kun oo qaxoonti ah ayaa u qaxay bariga waddanka Suudaan, waxaana dagaal millatari ka dhacay dhul beereedka lagu muransan yahay ee ku yaalla xuduudka u dhexeeya dalalka Suudaan iyo Itoobiya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM