Suxufi af-dheer oo meydkiisa la helay kadib markii la qafaashay

Image
Wariyahan ayaa la waayay ka gadaal markii uu ka hadlay kiis dhaqaale lagu lunsaday.

NAIROBI, Kenya - Suxufi af-dheer oo u dhashay dalka Cameroon ayaa meydkiisa la helay ka dib markii uu Talaadadii la waayay. Saraakiisha ayaa tuhunsan in la afduubtey kadibna la dilay.

Martinez Zogo waxa uu agaasime ka ahaa Amplitude FM oo si gaar ah loo leeyahay waxaana uu daadihiyay bandhig raadiyaha caanka ah ee loo yaqaan "Embouteillage" ama saxmada wadooyinka.

Zogo ayaa waxa uu dhawaan barnaamijkiisa kaga hadlay kiis la sheegay in dhaqaale badan lagu lunsaday oo ay ku lug lahaayeen ganacsato iyo masuuliyiin sarsare.

Afhayeen u hadlay Amplitude FM ayaa xusay in iyada iyo xaaska Mr Zogo ay aqoonsadeen meydka wariyaha, kaas oo laga helay meel banaan ah oo ka baxsan caasimadda Yaoundé.

Koox u dooda xuquuqda warbaahinta ayaa tibaaxdey in boolisku ay sawaxan ka maqleen bannaanka xaruntooda habeenimadii Talaadada ayna heleen baabuur uu leeyahay Mr Zogo oo si xun u burburay.

Dilalka saxafiyiinta ayaa si weyn ugu kordhay guud ahaan caalamka sanadihii lasoo dhaafay waxaana loo aaneynayaa ku takrifalka awoodeed ee ay mas'uuliyiinta xilalka haysa ay geysanayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabhadda Tigray oo sheegtay inay dishay in ka badan 1,500 askari oo Itoobiyaan ah

Dowladda Itoobiya iyo milatarigeeda ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin tirada khasaaraha ay jabhaddu sheegtay.

  • Afrika

    21-10-2026

  • 06:06AM

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM