Suxufi af-dheer oo meydkiisa la helay kadib markii la qafaashay

Image
Wariyahan ayaa la waayay ka gadaal markii uu ka hadlay kiis dhaqaale lagu lunsaday.

NAIROBI, Kenya - Suxufi af-dheer oo u dhashay dalka Cameroon ayaa meydkiisa la helay ka dib markii uu Talaadadii la waayay. Saraakiisha ayaa tuhunsan in la afduubtey kadibna la dilay.

Martinez Zogo waxa uu agaasime ka ahaa Amplitude FM oo si gaar ah loo leeyahay waxaana uu daadihiyay bandhig raadiyaha caanka ah ee loo yaqaan "Embouteillage" ama saxmada wadooyinka.

Zogo ayaa waxa uu dhawaan barnaamijkiisa kaga hadlay kiis la sheegay in dhaqaale badan lagu lunsaday oo ay ku lug lahaayeen ganacsato iyo masuuliyiin sarsare.

Afhayeen u hadlay Amplitude FM ayaa xusay in iyada iyo xaaska Mr Zogo ay aqoonsadeen meydka wariyaha, kaas oo laga helay meel banaan ah oo ka baxsan caasimadda Yaoundé.

Koox u dooda xuquuqda warbaahinta ayaa tibaaxdey in boolisku ay sawaxan ka maqleen bannaanka xaruntooda habeenimadii Talaadada ayna heleen baabuur uu leeyahay Mr Zogo oo si xun u burburay.

Dilalka saxafiyiinta ayaa si weyn ugu kordhay guud ahaan caalamka sanadihii lasoo dhaafay waxaana loo aaneynayaa ku takrifalka awoodeed ee ay mas'uuliyiinta xilalka haysa ay geysanayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweenay Itoobiyaan ah oo 12 sano sugaysay ubad ayaa dhashay shan mataano ah

Bedriya ayaa sheegtay inay farxad weyn dareemayso kadib sannado badan oo ay la daalaa dhacaysay sugitaanka ubad.

  • Afrika

    08-05-2026

  • 07:15PM

Madaxweyne Salva Kiir oo Eryay Taliyihii Ciidanka iyo Wasiirkii Maaliyadda

Dalkan oo ah midka ugu da'da yar Afrika, ayaa tan iyo iyo markii ka go'ay Sudan wuxuu lugaha kula jiraa dagaalo.

  • Afrika

    07-05-2026

  • 08:29PM