Taliyaha booliiska Kenya oo si maldahan u difaacay Axmed Rashiid

Image

NAIROBI, Kenya – Taliyaha booliiska Kenya Japhet Koome ayaa ciidanka booliiska dalkaasi u sheegay in ay adeegsadaan hubkooda, isagana difaacaan tuugada, isaga oo waxbo kama jiraan kasoo qaaday eedeymaha hay’adda IPAO oo ah tan kormeerta tacadiyada ciidanka.

Hadalkan ayaa loo fasirtay in uu taliyaha ku difaacayo askariga Soomaaliga ah Axmed Rashiid oo loo haysto dacwad la xiriirta tuugo uu shaarica ku laayay.

Dacwadda Axmed Rashiid ayaa dhagaysigeeda dib loogu dhigay bisha Janaayo, waxaase la fahamsanyahay in dowladda Kenya ay taageersantahay Axmed, islamarkaasna isku dayayso in ay ka badbaadiso caddaaladda.

Shacab is abaabuley oo isugu jira qoowmiyadaha kala duwan ee Kenya ayaa u doodaya Axmed Rashiid oo ay ku amaaneen in uu wax weyn ka qabtay amniga degmada Kamakuunji ee Nairobi oo ay xaafadda Islii qeyb ka tahay.

Madaxa Hay’adda IPAO Anna Makori ayaa dhaleecayn dusha uga tuurtay taliyaha booliiska, iyada oo ugu baaqday booliiska in ay u hoggaansamaan sharciga, islamarkaasna ay tixgaliyaan xuquuqda muwaadhiniinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Cameroon oo dalkiisa booqasho keliya ku taga, inta badan waqtigiisana ku qaata Switzerland

Intii lagu jiray ololihii doorashada madaxtinimada ee 2025, madaxweynuhu si weyn ugama dhex muuqan isu-soo-baxyada ololaha.

  • Afrika

    23-10-2026

  • 08:18AM

Jabhadda Tigray oo sheegtay inay dishay in ka badan 1,500 askari oo Itoobiyaan ah

Dowladda Itoobiya iyo milatarigeeda ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin tirada khasaaraha ay jabhaddu sheegtay.

  • Afrika

    21-10-2026

  • 06:06AM