Taliyaha cusub ee AFIRCOM oo kusoo wajahan Bariga Afrika

Image

NAIROBI, Kenya – Isla markii uu la wareegay taliska howlgalka Mareykanka ee Afrika, Jenaraal Stephen J. Townsend ayaa kormeeray howlgaladda qaaradda ka socda ee AFRICOM ay wado.

Munaasabadda xil-wareejinta oo ka qabsoontay magaaladda Stuttgart ee waddanka Jarmalka ayuu Townsend ka jeediyay khudbad uu kaga hadlay qorsheyaasha u degan haatan.

"Waxaan ku talogelayaa in aan si qoto dheer u qiimeeyo wax kasta oo uu taliska sameynayo," ayuu yiri, isaga oo u muuqda mid ka hadlaya waxyeelada ka dhashay howlgaladda taliskan.

Todobaadka soo socda, Townsend ayaa la filayaa in uu socdaalkisii ugu horeeyay uu ku yimaado bariga Afrika, halkaasi oo ciidamada Mareykanka ay kula dagaalamayaan Al-Shabaab.

Ma cadda hadii uu Soomaaliya imaan doonan, inkasta oo taliyeyaashii ka horeeyay ay safarkoodii ugu horeeyay ay yimaadeen dalka, iyaga oo la kulmay madaxda dowladda federaalka.

Townsend ayaa wuxuu bedeli doonaa Thomas Waldhauser kaasi oo gebi ahaanba isaga fadhiistay shaqadda kadib muddo uu dusha kala socday howlgaladda meelo ay ku jirto Soomaaliya.

AFRICOM ayaa si lamid ah waxay duqeymo dhanka cirka ah ay ka fulisaa Qaramadda Libya iyo Niger, halkaasi oo ay kula dagaalaman xoogaga Boko Xaraam iyo Daacish.

"Sharafay geesinimo ah bay ii tahay in aan saddex sano kala shaqeynayey saaxiibadeen Afrika xasilinta iyo nabad kusoo dabaalida guud ahaan qaaradda," ayuu Waldhauser xafladda.

Taliyaha cusub oo noqon doona hogaankii Shanaad ee AFRICOM tan iyo markii la aas-aasey 2008-dii ayaa horey soo noqday madaxa tababarada ciidamada Mareykanka iyo howlgalka Mareykanka ee Suuriya iyo Ciraaq.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Tanzania oo Gabadheeda iyo Ninkeeda kusoo dartay Gollaha Wasiiradda

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa magacaawday ninka Wanu Hafidh Ameir, Mohamed Mchengerwa, inuu noqdo Wasiirka Caafimaadka.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 05:13PM

Gabdho laga afduubey Iskuul ku yaalla dalka Nigeria 

Dadka deegaanka ayaa aad uga walaacsan amniga carruurta waxbarata iyo in weerarradan oo kale ay sii badanayaan.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 08:16AM