Taliyahii Booliska dowlad degaanka Soomaalida oo la xiray

Image

Addis Ababa ( GO)- Laamaha amaanka ee dowladda Itoobiya ayaa xabsiga dhigtey Taliyahii hore ee ciidamadda Booliska ee dowlad degaanka Soomaalida Farxaan Taahiir, sida ay ku warantay warbaahinta dowladda.

Taahiir ayaa waxaa xilka ka qaaday todobaadkan Madaxwaynaha cusub ee DDIS, Mustafa Maxamed Cumar, waxaana loo magacaabay Taliyaha cusub Janaraal Maxamed Xasan Cali [Maxamed Yare].

Xeer-illaalinta dowladda Itoobiya ayaa kusoo eedaysay Taahiir eedaymo ku saabsan dambiyo iyo argagxisinimo, waxaana maanta oo Khamiis ah lasoo taagay Maxkamad ku taala Magaalada Addis Ababa.

Fahfaahinta laga helayo xariga taliyihii hore ee ciidamada Booliska ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa intaas ku daraysa in wali lagu hayo Saldhig Boolis, halkaasoo su'aallo lagu waydiinayo.

Xariga Taahiir iyo Maxkamadda la sheegay in lasoo taagay ayaa kusoo beegmaysa xili dhowaan ay kasoo muuqdeen Maxkamadda Cabdi Maxamed Cumar iyo Lix kamid ah xubnahii lasoo dhaqeeyay, kuwaasoo eedaymo kala duwan loo haysto.

Warbaahinta dowlada Itoobiya oo warka ku saabsan maxkamadeynta Cabdi Illay iyo xubnaha lasoo shaqeeyay baahisay ma aysan soo bandhigin sawiro ama muuqaal muujinaya, taasoo su'aallo badan dhalisay.

Dowlada Itoobiya ayaa lagu eedayey in xarig u gaysaneyso saraakiisha maamulkii hore ee Soomaalida kaliya balse aysan talaabo ka qaadin madaxda maamulada kale kuwasoo qaar kood gaysteen tacdiya ka dhan ah xuquuqda bini'aadanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM

Kenya iyo Mareykanka oo ku Heshiiyay Qorshe Cusub 

Madaxweyne Ruto wuxuu sheegay in isaga iyo Rubio ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la dhiso xafiis gaar ah.

  • Afrika

    20-08-2025

  • 01:43PM