Taliyahii ciidanka Liyuu Boolis oo shaqadda laga eryay

Image

JiGJIGA- Madaxwaynaha dowlad degaanka Soomaaliya ee xubinta ka ah dowladda Federaalka Itoobiya, Mustafa Maxamed Cumar [Cagjar] ayaa wuxuu shaqadda uu ka eryay Taliyahii ciidanka Liyuu Boolis, Janaraal Cabdiraxmaan Laba-Go’lle.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxwayne Cagjar ayaa waxaa uu hogaan cusub ugu magacaabey ciidamadda Liyuu Boolis loogu magacaabay Maxamed Cabdi Mawasar.

Xil ka qaadista taliyahaan ayaa imaaneysa xilli horey Barlamanka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya 7 qof uga qaadey xasaanada kuwasoo la damacsan yahay in lagu soo oogo dambiyo xadgudibyo ah.

Talaabaddaan uu qaaday Madaxwaynaha cusub ee DDSI ayaa kusoo beegmaysa xili dhowaan uu la kulmay hogaanka Liyuu Boolis, kadib markii meel-mariyeen xubnaha sharci dejinta ee degaanka, lana dhaariyay.

Cagjar ayaa horey u balanqaaday inuu isbedal wayn ku sameyn doono siyaasadda iyo arrimo badan oo degaanka Soomaalida Itoobiya ka jira, isaga oo qiray inay dhaceen dhibaatooyin dad badan galaaftay intii uu jiray nidaamkii Cabdi Illay.

Madaxweynaha cusub ayaa xilkaan qabtey xilli ay dhinaca kale jiraan dagaalo ka dhexeeya qowmiyadaha Oramada iyo Soomaalida kuwasoo galaaftey nolosha Dad badan.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Dagaalka Itoobiya oo sii fidaya, xoogagga Tigray oo qabsaday saddex garoon

Ethiopian Airlines ayaa hakisay duulimaadyadii saddexda magaalo, halka duulimaadyada…

  • Afrika

    25-09-2026

  • 03:06PM

10-ka Dal ee Afrika ee Dadkooda Si Sharci ah ugu Nool Koonfur Afrika

Dalalka kale ee ku jira tobanka ugu sarreeya waxaa ka mid ah Lesotho, Cameroon, Kenya, Ghana iyo Eswatini. 

  • Afrika

    08-09-2026

  • 06:20AM