Taliye sarre oo ka tirsan ciidamada Tunisia oo lagu dilay dagaal

Image

TUNIS, Tunisia – Taliyaha Ciidamada Ilaalada Qaran ee Tunisia ayaa lagu dilay iska hor-imaad ay la galeen garabka xoogaga Al-Qaacida ee waqoyga Afrika.

Mas'uuliyiinta ayaa tibaaxaya in afar kale oo ka tirsanaa kooxaha argagixisada ah lagu khaarijiyey dagaalkaasi fool ka foolka ah.

Is-rasaaseynta ayaa waxay ka dhacda buuraleyda Kef oo ku dhow xuduudka uu wadankaasi la wadaago Algeria xili ay ciidamadu howlgal wadeen.

Idaacadda maxaliga ah ee Mosaique ayaa ku waramaysa in laba kamid ah maleyshiyaadka la toogtay ay u dhasheen Algeria.

Dhacdadan ayaa waxay imaaneysaa iyadda oo wadankaasi uu ka socdo olalaha doorashadda madaxtooyadda oo mid balaaran ah.

Ra’iisul Wasaare Youssef Chahed oo kamid ah 26-ka tartame ayaa tilmaamay in xagjiriinta qorsheynayaa weeraro balaaran, isaga oo heegan geliyay ciidanka.

Afhayeen u hadlay Ciidamada Ilaalada Qaran, Housameddine Jbabli, ayaa xusay in howlgalada lagu beegsanayo tuulada Hydra ee gobolka Kasserine.

Tunisia ayaa tan iyo 2011-kii kadib Gugii Carabta waxay dhexda uga jirtay qalalaaso dimoqraadiyad doon ah, iyada oo argagixisaduna ay halkaasi ka dustay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Warshadda Dangote ee Lamu: waxay rabtaa suuqgeyn ka ballaaran Bariga Afrika

Baaxadda warshadda ayaa su’aal gelinaysa inta uu le’eg yahay suuqa…

  • Afrika

    02-10-2026

  • 02:42PM

Masar oo diblomaasi Itoobiyaan ah ka saartay dalka, 48 saacadoodna u qabatay

Tallaabooyinka is-daba jooga ah ayaa sii xumeynaya xiriirrada diblomaasiyadeed ee u dhexeeya dalalka gobolka.

  • Afrika

    02-10-2026

  • 07:52AM