Taliyihii hore ee Jeel Ogaadeeniya oo gacan-galay Itoobiya

Image

JIGJIGA, Soomaali Galbeed – Taliyihii hore ee Jeel Ogaadeeniya Xasan Ismaaciil Ibraahim [Xasan Dheere] ayaa lagu waramayaa in maanta oo Axad ah uu u gacan-galay dowlada Itoobiya.

Xasan Dheere ayaa xalay oo Sabti ahayd laga soo qabtay xadka Itoobiya la leedahay dowladda Puntland, gaar ahaan magaaladda Galdogob, sida ay xaqiijiyeen mas'uuliyiinta.

Illo wareedyo ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in Xasan maanta oo Axad ah laga dejiyey magaaladda caasimadda ah ee Jigjiga, xarunta Soomaali Galbeed.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in howlgalka lagu soo qabtay sarkaalkaan ay ka qayb-qaateen ciidamada booliska degaanka iyo kuwa federaalka.

Korneylkaan ayaa xilkaasi wuxuu hayey mudadii uu xafiiska joogay Cabdi Maxamuud, kaasi oo haatan xabsi ku jira, wajahayana dacwad la xiriirta xadgudubyo ka dhan ah aadanaha.

Xasan ayaa loo haystaa tacadiyo ka dhan ah bini'aadamka oo uu geystay waqtigii uu taliyaha xabsiga Jeel Ogaadeeniya ahaa. Sidoo kale, wuxuu mar soo noqday taliyaha ciidamada Asluubta.

Xabsigaan oo la xiray bishii September 2018-kii ayaa la sheegay in in ka badan 1,000 maxaabiis oo ku jirtay lagula kacay gawood-falo isugu jira kufsi wadareed, jirdil iyo garaacis joogto ah.

Xeer-ilaalinta Itoobiya ayaa horey u soo saartay bawlo [warrant] lagu soo xirayo ku dhowaad 40 ruux oo maamulkii horey ka tirsanaa oo uu ku jiro Xasan, kuna eedeysan xadgudubyadaasi.

Talaabada lagu soo xiray oo uusan wali fahfaahin maamulka degaanka ayaa qayb ka ah wacad uu horey uga dhawaajiyey madaxweyne Mustafa Cagjar oo ahaa in cadaalada marsiinayo cid kasta oo degaanka tacadi ka geysatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ismaaciil Cumar Geelle Oo Markii Lixaad Ku Guuleystay Doorashada Jabuuti

Wax yar kadib markii natiijooyinka hordhaca ah la shaaciyay, Guelleh oo 78 jir ah ayaa ku qoray “Reelected” bartiisa ku taal X.

  • Afrika

    11-04-2026

  • 12:44PM

Jabuuti oo u diyaar garowday doorashada madaxtooyada, Geelle oo la filayo inuu guuleysto

Doorashadii ugu dambeysay ee 2021 ayuu ku guuleystay Geelle qiyaastii 98 boqolkiiba codadkii la dhiibtay.

  • Afrika

    09-04-2026

  • 12:03PM