Theresa May oo booqatey dalka Kenya, 30 kadib RW [ SAWIRO]

Image

NAIROBI ( GO)- 30 sano kadib markii Margaret Thacher booqasho ku tagtey Nairobi, ayaa RW dalka Ingriiska Thresa May waxaa ay booqasho maalin ah ku tagtey dalka Kenya iyadoo ka soo duushey magaalada Lagos, Nigeria.

Garoonka diyaaradaha ayaa waxaa ku soo dhoweeyey RW dalka Ingriiska Wasiirka arimaha dibada Kenya, xoghayaha golaha wasiirada iyo Gudoomiyaha Nairobi.

Thresa May ayaa kadib loo loo galbiyey qasriga Madaxtooyada dalkaas halkaas ay salaan kaga qaadatey cutubyo ka tirsan ciidamada dalkaas.

" Waxaan rabaa in aan idiin xaqiijiyo in xiriirka dalka Ingriiska la leeyahay Kenya iyo dalalka Afrika uu noqdo mid maalgalineed oo ku saleysan wada ganacsi." sidaas ayay u sheegtey saxaafafada mar ay la hadleysay.

May ayaa lacago ugu deeqdey dalka Soomaaliya abaaraha ka jira, ciidamada AMISOM iyo tageero loo fidanayo dowlada si ay awoodeeda ugu fidiso degaano ka fog magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha dalka Kenya oo aqalka looga aarimiyo dalkaas ku soo dhoweynaya Tressa May- PHOTO: AP

Thressa May usu diyaarineysa salaan iney ka qaadato ciidamada. Photo: AFP

Thresa May oo bilowdey salaan qaadasho. Photo: AFP/REUTERS

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaalka Itoobiya oo sii fidaya, xoogagga Tigray oo qabsaday saddex garoon

Ethiopian Airlines ayaa hakisay duulimaadyadii saddexda magaalo, halka duulimaadyada…

  • Afrika

    25-09-2026

  • 03:06PM

10-ka Dal ee Afrika ee Dadkooda Si Sharci ah ugu Nool Koonfur Afrika

Dalalka kale ee ku jira tobanka ugu sarreeya waxaa ka mid ah Lesotho, Cameroon, Kenya, Ghana iyo Eswatini. 

  • Afrika

    08-09-2026

  • 06:20AM