Tobanaan ku dhintay isbuurasho ka dhacday kaniisad
ABUJA, Nigeria – Ugu yaraan 31 qof ayaa ku dhintay isbuurasho ka dhacday kaniisad ku taal magaalada Port Harcourt ee koonfurta Nigeria, sida ay booliisku sheegeen.
Boqolaal qof oo isugu soo baxay in ay cunto ka helaan munaasabadda ayaa soo jabsaday albaabka, taasoo keentay in isbuurasho, Grace Iringe-Koko, oo ah afhayeenka booliska ee gobolka Rivers ayaa u sheegtay wariye-yaasha.
Qaar badan oo ka mid ah dadka ayaa safafka u galay si ay u galaan Naadiga Polo ee Port Harcourt - goobta lagu qabto barnaamijka samafal ee "Shop for Free" ee sanadlaha ah oo ay soo abaabusho kaniisada Kings Assembly ee Pentecostal.
“Dad ayaa hore u joogay, qaarna waa ay ka samri waayeen in ay galaan oo waxay bilaabeen in ay xoog ku galaan, Bilaysku waxa uu joogaa goobta si uu ula socda xaaladda inta uu baadhitaanku socdo,” Iringe-Koko ayaa u sheegay Reuters.
Afhayeen u hadlay booliiska ayaa sheegay in todobo kale ay dhaawacmeen balse ay "ka jawaabayaan dhacdaan" ka dib isbuurasho ka dhacdii xafladda ay qabanqaabiyeyaasha sheegeen in looga dan lahaa in "rajo la siiyo" kuwa baahan.
Afhayeen u hadlay booliiska ayaa sheegay in baaritaan la billaabay, warbixinna laga soo saari doono waqtiga ku beegan.
Muuqaalo laga soo qaaday goobta ayaa muujinaya dharkii iyo kabaha loogu talagalay ka-faa'iideystayaasha oo dhulka daadsan. Dhakhaatiirta iyo shaqaalaha gurmadka degdega ah ayaa daaweeyay qaar ka mid ah dadka dhaawaca ah oo jiifay meel bannaan ah.
Dhacdada "dukaanka bilaashka ah" waa la hakiyay iyada oo mas'uuliyiintu ay baarayeen sida isbuurashadu u dhacday.
Dhacdooyinka noocan oo kale ah ayaa ku badan Nigeria, oo ah dhaqaalaha ugu weyn Afrika, halkaas oo in ka badan 80 milyan oo qof ay ku nool yihiin faqri, marka loo eego tirakoobka dowladda.
Nayjeeriya ayaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxaa ka dhacay masiibo ka dhalatay cunto-qeybsi, oo ay ku jirto barnaamij cunto hay’ad gargaar ka waday waqooyiga gobolka Borno halkaas oo toddobo haween ah lagu tuntay oo lagu dilay sannadkii hore.
GAROWE ONLINE