Tobanaan lagu laayay weeraro ka dhacay gobolka Amxaarada Itoobiya

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhimatay isku dhacyo shantii maalin ee lasoo dhaafay ka dhacay gobolka Amxaaradda ee waqoyga Itoobiya.

Iska hor-imaadyadda ayaa u dhaxeeyay maleyshiyaad degaan ah iyo ciidamadda ammaanka, sidda ay baahisay warbaahinta maxaliga.

Rabshadaha oo Jimcadii lasoo dhaafay bilowday ayaa yimid markii dabley ay dishay tobban ruux oo shacab ah.

Maalin kadib falkaas, maleyshiyaadka degaanka oo is-abaabulay ayaa kadiyey laba kolanyo oo ay la socdeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa shaacisay in goobtaas ay ku naf-waayeen tobban kamid ah xoogaga dalkaas dhaca Geeska Afrika.

Mas'uuliyiinta ayaa duulaankaas ku eedeeyay qowmiyadda Kimant, kuwaasi oo afhayeen u hadlay uu tibaaxay in uu ahaa "guluf is-daafacid ah".

Kimant, oo degta gobolka Amxaaradda oo ah midka labaad ee ugu dadka badan Itoobiya, ayaa waxay doonayaan maqaam gaar ah.

Dowladda Federaalka ayaa ku sifeysay qulqulatooyinka cusub isku day afgembi oo uu ka dambeeyo hogaamiyaha maleyshiyaadka.

Mareykanka oo digniin amni soo saarey kadib dhacdooyinkan ayaa muwaadiniintiisa wuxuu uga digay in ay u socdaalaan is-maamulkaas.

Isku dhacyadan cusub ayaa madax-xanuun ku noqonaya qorshaha ra’iisul wasaare Abiy Axmed ee ku aadan dib-habeynta siyaasadeed iyo mid dhaqaale.

Gobolka Amxaaradda ayaa xudun u ahaa dagaaladda qowmiyadaha tan iyo 2018-kii, waxaana uu galaaftay dad uu ku jiro hogaamiyihii maamulkaas, bishii June.

Dastuurka Federaalka Itoobiya ayaa u ogolaanaya qowmiyadaha in ay dalbadaan Afti ay ku raadinayaa aqoonsi gaar ah si ay u maareeyaan amnigooda iyo ciidankooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM