Toddobaad kadib afgembigii Al-Bashiir, waa sidee Xaaladda Sudan?

Image

Muddo todobaad ah kaddib marki uu millatariga dalka Sudan uu talada awood uga tuuray hogaamiyihi hore ee dalkaasi Cumar Xasan Al-Bashir, ayay dibadbaxayaashu billaabay kacdoonkani wali dalbanayaan, in millatariga uu xakunka ku wareejiyo dowlad rayid ah.

Tan iyo bishii December, dibadbaxayaasha Sudan ayaa waday bannaanbaxyo ay uga soo horjeedeen Al Bashir, kuwaasoo ugu danbeytii soo gaba gabeeyay xakunki soddonka sano ahaa ee uu dalkaasi dhaca bariga Africa ku heystay madaxweyne Al Bashir.

Dhanka kale, waxaa warbaahinta loo soo bandhigay magacyada dadka hogaaminayay bannaanbaxyadi sababay in xakunka laga tuuro AL Bashir.

Ururuka Barfisoorrada Sudan ee loo soo gaabiyo (SPA) ayaa la sheegay in ay billaabeen bannaanbaxyada, waxaana ururkani ku midoobay injinneero, dhaqaatiir iyo macallimiin.

Hogaamiyeyaasha dibadbaxa Sudan ayaa soo bandhigay qorshooyin ay ku dhisayaan Gudi rayid ah oo talada dalkaasi kala wareega ciidamada Militeriga dalkaasi.

Saddexda nin ee hogaamineysa ayaa kala ah Mohamed Yousef Ahmed Mustafa, oo ah madaxa ururka barfisoorrada, kaasoo bare ka ah jaamacadda Khartoum University, Mohamed Naji oo ah dhaqtar caana iyo Ahmed al-Rabia oo xubin ka ah ururka macallimiinta.

Waxaa sidoo kale marki danbe ku biirray xubno ka mid ah jabhadihi ka dagaallamay gobollada Darfur, South Kordofan iyo Blue Nile.

Related Articles

Museveni oo hoggaanka u haya doorashada Uganda, mucaaradka oo cabanaya 

Suxufiyiin maxalli ah ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay ka hor istaageen inay gaaraan guriga Bobi Wine ee xaafadda Magere ee Kampala.

  • Afrika

    17-01-2026

  • 12:35PM

Doorashada Uganda: Madaxweyne Museveni oo Raadinaya Markiisii 7-aad

Doorashada ayaa ku bilaabatay jawi kacsan, waxaana la soo sheegayaa in meelaha qaar laga jaray adeeggii internet-ka.

  • Afrika

    15-01-2026

  • 11:56AM